Somali News
    Hees  

Taageero: Erayadii Maxamed Axmed Rooble

Oslo Sabti 30 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Taageero: Erayadii Maxamed Axmed Rooble.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway waxay soo dhoweynaysaa musharraxa Maxamed Axmed Rooble ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan aad ugu riyaaqnay erayadii uu mudanuhu ka yiri kulankii uu la yeeshay jaaliyadda dalka Ingiriiska ee magaalada Sheffeild.

Erayadaas nooga dhex bidhaamay ballan-qaadyadii wax-qabadkiisa ee uu musharraxu ka jeediyey madashii shirka (17 July 2012) ayaa waxaa ka mid ahaa.-

Waxaan dhisi doonaa hay’ad si gaar ula xiiriirta qowmiyadaha hiddaha u leh farsamada, ha ahaato birta, farshaxanka geeda-qoriska, samaynta dharka iyo kabaha iwm. Dadkaas oo si dhab ah loo hormariyo xirfaddooda loona maalgeliyo ayaan u arkaa inaan ku gaari doonno horumar xagga teknoolojiyada ah. Gar ma aha mana yeeli doonno in aan farsama-yaqaankeenni ku quursanno xirfaddiisa innaga oo farsama-yaqaan shisheeye ka dawarsanayna tiisa”.

Inta aynu og nahay kani waa ballan-qaadkii ugu horreeyey ee noociisa ah lagana maqlo musharrax Soomaaliyeed. Wuxuu muujinayaa baraarug cusub oo ku tallaalmay xayndaabka siyaasadeed ee dalka, haddii uu meelmarana waa hubaal in uu dhalinayo horukac xagga sayniska iyo farsamada ah oo dalka ka hana-qaadda.

Weedha labaad ee xusidda mudani waxay ahayd: ”Waan laali doonaa oo waan ka dhiidhin doonaa xeer kasta ee taako dhulbadeedkeenna ah u jidaynaya dawlado kale”.

Mudane Rooble waxaan ku leennahay erayadaada geesinnimada lehi way na soo jiiteen haddii aynu nahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway, balse yaanay noqon beer-laxawsi iyo awr-ku-kacsi sida aan uga barannay tartamayaasha doorashooyinkii hore. Haddiise aad ka dhabayso dhammaan qodobbadii aad xustay ee ay ka muuqatay garashada iyo bisaylkaaga siyaasadeed, waan kugu taageeraynaa intaad tartanka ku jirto iyo haddaad guulaysato labada.

Alle ha innaga dhigo kuwii ballan-qaadkooda isu fuliya.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway
Suldaan Warsame Cumar Aarane
Derriyeed@hotmail.com
Telf. + 47 94 41 19
Oslo, Norway.

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)