Somali News
    Hees  

Gen. Dhegabadan : "In Shacabka Soomaaliyeed la dhibaateeyo ma oggolaan karno.."

Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Gen. Dhegabadan : "In Shacabka Soomaaliyeed la dhibaateeyo ma oggolaan karno.."
 
Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Aadan "Dhegabadan" ayaa digniin culus oo kama danbeys ah u jeediyay ciidamada dowlada ee dhibaatada u geysta shacabka Soomaaliyeed.

Abaanduulaha oo wrbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa amar ku bixiyay in la dilo askarigii dhibaato u geysta shacabka ama lagu helo isagoo dhac u geysanaya.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaa muddo dheer soo dhibaateynayay Al-Shabaab, marka ma oggolaan karno in dhibaatadii ay ka baxeen lagu celiyo" ayuu yiri Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Hadalka Abaanduulaha ayaa waxaa uu imaanayaa xili ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay inta badan la wareegen deegaano ka mid ah gobolada Shabeelooyinka.

Xerada Dhadhaab oo xadka Soomaaliya u jirta qiyaastii 62 mile ayaa waxay hoy u tahay dad lagu qiyaaso 500,000 oo qaxooti Soomaali ah kuwaasoo xeradaasi tagayay tan iyo sanadkii 1991,kii xilligaasoo ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)