|
Madaxweyne Shariif oo la kulmay Odayaasha dhaqanka, una sharxay waxyabihii ay ku heshiiyeen isaga Madaxweyne Siilaanyo
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Shariif oo la kulmay Odayaasha dhaqanka, una sharxay waxyabihii ay ku heshiiyeen isaga Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan balaaran la qaatay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsa magaalada Muqdisho fadhiya soo xulista ergada Ansaxineysa dastuurka cusub, kuwaasoo uu madaxweyanaha uga warbxiyay kulankii Isaga iyo Madaxweyanaha Somaliland ku dhaxmaray DUBAI.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday Odayaasha dhaqanka inay soo dedejiyaan soo xulista ergada ansaxineysa dastuurka cusub,isagoo tilmaamay in waqtiga uu gabaabsi yahay.
Waxa uu sheegay madaxweyne Shariif in ka hor bisha Agoosto loo baahanyahay in la ansaxiyo dastuurka si loo guda galo buu yiri doorashada madaxweynaha.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhawaan loo qeybiyay nuqulo ka mid ah dastuurka cusub ee dalka si ay uga dhaadhacsiiyaan bulashada, inkastoo odyaasha qaarkood ay tilmaameen in weli ay wax ka dhimanyihiin dastuurka.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhawaan loo qeybiyay nuqulo ka mid ah dastuurka cusub ee dalka si ay uga dhaadhacsiiyaan bulashada, inkastoo odyaasha qaarkood ay tilmaameen in weli ay wax ka dhimanyihiin dastuurka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|