|
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir: "Muqdisho diyaar ayay u tahay inay martigeliso shirka lagu ansixinayo dastuuka cusub ee dalka.... "
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir: "Muqdisho diyaar ayay u tahay inay martigeliso shirka lagu ansixinayo dastuuka cusub ee dalka.... "
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa ka shanqariyay in Magaalada Muqdisho ay diyaar u tahay marti gelinta shirka lagu ansixinayo dastuuka cusub ee dalka.
"Magaalada Muqdisho waxa ay diyaar u tahay marti gelinta ergada ansixinaysa dastuurka, Muqdishow waa astaantii wadanka, waa astaanta qaranka Soomaaliyeed" ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahana duqa magaalada Muqdisho.
Tarsn ayaa ku nuuxnuusaday inaanu u xayirnaan doonin shirweynaha lagu ansaxinayo dastuurka cusub ee dalka lacago laga sugay dowlado shihseeye, waxaana uu carabka ku dhiftay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu bixiyo dhaqaalaha laga sugayo Beesha Caalamka.
Waxa uu sheegay Tarsan in shacabka reer Muqdisho ay diyaar u yihiin marti gelinta shirkaasi iyaga oo aan wax lacag ah weydiisan beesha caalamka ama dad ajnabi ah isaga oo sheegay inay diyaar la yihiin lacagahaasi iyo marti gelinta shirka.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa hadalkan ka jeediyay dibad bax ka dhacay Muqdisho kaasi oo lagu taageerayay wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|