|
Madaxweyne Shariif oo goor dhow Booqosho ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Shariif oo goor dhow Booqosho ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku jooga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasoo toddobaadkii hore ay ciidamada Somalida iyo kuwa AMISOM ay ka xureeyeen Malayshaadka Kooxda Al-shabaab.
Booqashadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ku jiraan wasiirro iyo xidlhibaanno ay ku tagaan Balcad ayaa ulajeedadeedu waxay ay tahay sidii ay ugu kuurgalayaan xaaladda ka jirta degmadaas oo ay muddo sannado ah ka talinaysay Malayshiyada Al-shabaab.
"Madaxweynuhu wuxuu gacan qaadayaa dadka degmada, waxaana lagu wadaa inuu kulammo la yeesho saraakiisha ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ee degmada ku sugan," ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha madaxweynaha la socda oo saxaafadda la hadlay.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa booqday Balacad isla maalintii ay ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM gacanta ku dhigeen wuxuuna ra'iisul wasaaruhu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay horummarada ay dowladda KMG ah ku tallaabsatay maadaama lagu jiro todobaadkii xuriyada ay heleen badi dadka ku hadla afka Somaliga.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu booqashadiisa uu ka hadli doono marka uu dib Muqdisho ugu laabto , iyadoo degmadan ay noqonayso degmadii ugu horreysay ee ka tirsan gobolka shabeellada dhexe oo ay ciidamada dowladdu qabsadaan.
Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo ay ciidamada dowladdu ka qabsadeen Al-shabaab dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa laba jeer oo isku xigta booqday madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la xusuusto in markii uu soo dhameystay booqashadiisii ugu horreysay ee Afgooye lagu weeraray deegaannadfa u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho.


















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|