Somali News
    Hees  

Soomaalida qurba-joogta ee ku dhaqan Talyaaniga oo shir ku yeeshay Roma (SAWIRRO)

Roma Sabti 30 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Soomaalida qurba-joogta ee ku dhaqan Talyaaniga oo shir ku yeeshay Roma (SAWIRRO)

Waxaa magaalada Roma ee wadanka Talyaaniga ka furmay shir ay ka soo qeybgaleen qurba-joogta Soomaalida Talyaaniga, lana magac-baxay (La diaspora di fronte a una nuova Somalia), waxaana shirkan soo qabanqaabiyey Luul Max'ed Sheekh Cusmaan oo loo aqoonsaday qofka munaasabaddaasi soo agaasimay, waxaana munaasabada lagu qabtay hoolka Istarliin Cabdi Caruush ee xarunta Intersos ee magaalada Roma.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah oo la isku dhaafsanayey aa'raa ku saabsan sida loo xalin karo muskiladda Soomaaliya, taa oo ay fikirado kala duwan ka bixinayeen qurba-joogta Soomaalida Talyaaniga, ayaa waxaa ka soo qeybgalay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Talyaaniga & Beljamka Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde), Cali Xaashi Dhoore oo ka mid ahaa musharixiintii madaxweynenimada shirkii Jabuuti, Cusmaan John oo ka mid ah musharixiinta madaxweynenimada Soomaaliya, Mauro Caruso, Gianni Mari, Sareedo Cali, Khadiijo, Guido Ali Menapace, Riccardo Marvonara, Schutz Shugri, Nurto Hassan, Abukar Sultan, Aden Gures Dego, & xubno kale oo fara badan oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida Talyaaniga.

Luul Max'ed Sheekh Cusmaan

ayaa ugu horreyn shirka furtay, waxeyna ku soo dhoweysay safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Nuur Cadde inuu kelmadiisa ka jeediyo shirka, waxaana safiirku uu ka cudurdaartay sii joogitaankiisa shirka, waqtiga oo aad ugu yar dartiis, haddana khudbad dheer oo aad u soo jiidatay dadkii munaasabada ka soo qeybgalay ayuu shirka ka jeediyey, wuxuuna ka hadlay dhinacyo kala duwan oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya & doorka looga baahan yahay qurba-joogta Soomaalida Talyaaniga, waxaana qudbadiisa uu diiradda ku saaray in xilliga kala guurka ah ee dowladdu ku jirto in la rajeynayo in tillaabooyin muhiim ah la qaado, sida in laga gudbo KMG ah, loona gudbo dowladnimo taam ah, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey xaaladda Soomaalida Talyaaniga oo uu sheegay in ay jiraan hanaan horumar ku dhisan oo ay Soomaalidu sameeyeen, halka sidoo kalena uu jiro dib u dhac, u baahan in wax lagu qaato, wuxuuna xusay in Soomaalida Talyaaniga ay u midoobaan sidii ay kheyrkooda wax ula qeybsan lahaayeen.

"Waan ku faraxsanahay xafladdan qiima badan ee ay ka soo qeybgaleen qurba joogta ku nool Italia gudaheeda inaan soo xaadiro, iyadoo ujeedadda ka dambeysana ay tahay in arrimaha Soomaaliya xil weyn ay iska saaraan bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool Itaaliya, bulshadda meel kasta oo ay joogaan gudaha & dibedda waajib ayaa ka saaran samatabixinta dalkooda, kuwa dibedda jooga waxaa la yiraahdaa waxaa laga filayaa kaalin aad u mugweyn, sababtoo ah iyaga ayaa la socda arrimaha qiimaha dowladnimada & horumar ay sameynayaan dalalka ay ku sugan yihiin, halka waddankoodiina uu dib u dhac 22 jirsaday uu ku habsaday" ayuu yiri Nuur Cadde, wuxuuna intaa ku daray in Soomaalida ay tahay in marka ay qurbaha yimaadaan in ay ka maseyraan horumarka & yididiilada ka jirta dalalka ay yimaadeen & sida ay lagama maarmaan u tahay in horumarkaasi ay ku maseyraan.

Nuur Cadde wuxuu ka hadlay in dhowaan dowladda KMG ah ay ka bixi doonto xilliga KMG ah, una gudbi doonto in ay gasho jawi cusub.

"Waxaa lagu howlan yahay sidii xiliga KMG ah laga gudbo, loona gudbo xilli kala dambeynta & is xurmeyntu qiimaheeda leedahay & xilli ay Soomaali ku laabato maqaabkii ay ku lahey dunidda, oo qeybta kaga aadan maqaamkaas ay qaadatooo ay tusto in caalamka ay ku soo laabatay Soomaaliya cusub, waxaan rajeynayaa shirka kooxda xiriirka (Contact group) ee halkan lagu qaban doono inaad codkiina gaarsiisaan, codkaasoo ah codka qurba-joogta Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga, wax weyn ayey Soomaalidu u tahay qurbajoogta gaar ahaa Talyaaniga" ayuu yiri Nuur Cadde, wuxuuna intaa ku daray in wejiyada ka soo qeybgalay shirka ay ku jiraan dad badan oo bulshadda Soomaalida Talyaaniga dhexdooda muctarif ka ah, wax baddana ku kordhin sidii marxaladda dalka ku sugan yahay wax looga bedeli lahaa.

Inaan goob joog ka ahaado shirka oo aan dhammeysto waan jeclaan lahaa dedaalka & is xilqaanka qof kasta uu is xilqaamayo waa wax weyn, waqti badan Talyaaniga waa joogtaaan, dalkeena waxa ka soconayana xog-xogaal ayaad u tihiin, meelaha daaweynta u baahan oo in la dhayo u baahan waad taqaanaan, waxaana qabaa in shirku idiin socdo oo si dhab ah aad u lafa gurtaan doorkiina ku aadan samatabixinta dalka, markaa kadibna aad talo waafi ah u gudbisaan bulshadda caalamka oo iminka daneyneysa in ay la socoto xaaladda Soomaaliya" ayuu yiri Nuur Cadde, wuxuuna intaa ku daray.

"Waxaan jeclaan lahaa Italia haddii la yiraa, waa ogtihiin Talyaaniga & Soomaaliya waxa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo weligiis jiri jiray, runtiina gaaray heer aad & aad u weyn, mararka qaarkood marka laga hadlaayo arrimaha Soomaaliya xiriirka Talyaaniga & Soomaaliya waa ka gudbay marxalad xiriir lagu tilmaami karo, wuxuuna u gudbay heer kalsooni fiican ay jirto, haddana waxaa la rabaa in Soomaalida joogta Italia xiriirkaas & wanaagaas sidii la rabay uga faa'ideystaan xagooda, mar kasta oo dhibaato ku timaado Soomaalida Talyaaniga tixgelin gaar ah ayuu siiyaa haddii ay tahay sharci siinta, & ka qeyqaadashada xalinta mushkilada dalka, marka Soomaalidiina qurba jooga ah ee Talyaaniga timid waa inaad ka shaqeysaan sidii ay u noqon lahaayeen dhalinyaro joogitaankooda ka faa'ideysta aniga waxaan qabaa in ay xilweyn arrintaasi iska saaran yahay, waana in dhalinyaradu ay waxbartaan ama meherad bartaan si ay berri wadankooda ugu howlgalaan, marjicii arrintaasi laga heli lahaana waa shirkiina"

Nuur Cadde wuxuu sheegay socdaalo dhowr ah oo uu ku tegay gobolo ka tirsan Talyaaniga inuu ku soo arkay dhalinyaro Soomaaliyeed oo meherado kala duwan ku shaqeynaya, sidoo kalena ay jiraan kuwa dalkan yimid haddana ka sii tahriiba, qaarkood dib u soo laabta, haddana mar kale sii tahriiba, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mushkilad u baahan in xal waafi ah loo helo.

"Waxaan rajeynayaa haddii bulshadii Soomaaliyeed ee Italia ku nool muraayad lagu fiiriyo in muraayadaasi ay noqoto mid wanaag ah" ayuu yiri Nuur.

'Sida barnaamijku yahay bisha Ogoosto 20-keeda waxaa la rajeynayaa in KMG laga baxo, ka horna waxaa la diyaarinayaa sidii looga gudbi lahaa, shirka kooxda xiriirka (contact group) waxyaabaha ay diiradda saari doonaan waxaa ka mid ah dhaqangelinta roadmap-ka, waxaana la is weydiin doonaa maxaa ka hirgalay heshiiskii Kampala & sidii looga gudbi lahaa xilliga KMG ah, tillaabooyinkii la rabay ma la qaaday, sidee loo dhamesytiraa" ayuu yiri Nuur Cadde.

Luul Max'ed Sheekh Cusmaan oo kulanka soo qabanqaabisay ayaa sidoo kale munaasabadda ka hadashay waxeyna faahfaahisay sababaha ay u doorteen in ay qabtaan shirkan, oo ay ku sheegtay inuu ku saabsan yahay in beesha caalamka, gaar ahaan kooxda xiriirka ay gaarsiiyaan codka qurba-joogta Talyaaniga, waxeyna shirka ka jeedisay qodobo ay Luul sheegtay in ay isku raaceen qurba-joogta Talyaaniga, oo ay u arkayeen kuwa dhaxalgal ah oo waxtar u leh sidii looga gudbi lahaa marxaladda dalku ku jiro.

"Waddankan 22-kii sano wuxuu ka dhiman waayey qurba joogta, reerkii aan dibedda qof u jirin waxey ka dhigan tahay reer aan jirin (ILLAAHEY xagiisa waa ka jiraan) balse dhinaca dhaqaalaha ayaa ka wadaa" ayey tiri Luul Max'ed Sheekh Cusmaan.

"Qurba joogta weligeen sooma jeedin wax talo ah, aan isku dayno maanta annaga oo wada dhan inaan ka qeybqaadano sidii aan dalkeena nabadeyntiisa uga qeybqaadan laheyn" ayeey tiri Luul Max'ed Sheekh Cusmaan waxeyna intaa ku dartay in ay ka qeybgashay shirkii Turkiga ka dhacay, waxeyna tilmaantay in xaaladda Soomaaliya ay hadda u muuqata mid iftiinka u soo baxeysa, oo mugdigii ka soo baxeysa.

Luul waxey kaloo sheegay in ay diyaariyeen qodobo muhiim ah oo ay u gudbin doonaan kooxda xiriirka, cid kasta oo shirka goob joog ka ahna ay u furan tahay inuu wax ku daro, waxna ka dhimo qodobadaasi, waxaana qodobada ay Luul akhirsay ka mid ahaa:

In doorashada madaxweynimada Soomaaliya ay u dhacdo si xaq ah (transparence), {tusaale} dalka aan ku noolnahay ayaan ka aragnaa in mar walba oo doorasho la qabto ay arbushaad dhaceyso, Mareykanka oo la leeyahay waa dal awood leh, ayaa mar walba oo ay doorasho dhacdo qeyla-dhaan ayaa ka timaada, annaga oo waddan dagaal ku sugan musuqmaasuq & dhibaato aan ku jirno maxaad u maleyneysaa.?

Odayaasha dhaqanka, waxaa socota in la soo baaro, kadibna la soo xulo xildhibaanadii baarlamaanka, intii aan la gaarin ayey qeylo ka yeerisaysaa oday-dhaqmeedyadii, liiskan kan kii saxda ma ahan, 22 sano looma dhama & qeylo ayaan ku jrito dowlad xun dowlad la'aan ayey la'aantaa, waqti ma harin 50 maalmood ayaa inoo haray, waa in haddii ay wax dhcaan waa in dalka la badbaadiyaa

In la helo hab loo kala sooco musharixiinta.

In ay muhiim tahay hab sax ah loo sameeyo xulista baarlamaanka, weliba in xulistaasi lagu xiro shuruudo muhiim ah.

In la dhowro road-mapka wuxuu dedejinayaa sidii looga bixi lahaa KMG ah.

In la helo Guddi dhexdhexaadi ah oo u dhexeeya baarlamaanka & madaxweynaha.

In haddii uu jiro tuhun lacago lala lunsaday ah, waxaan weydiisaneynaa in lacagtaan meel la soo saaro, haddii dadkii lunsaday ay ku cadaaro dambigaasi in ciqaabta ay mudan yihiin lagu qaado, haddii kale laga daayo masabidka & xagxagashada beenta ah.

Waxaa naqdineynaa, kana soo horjeednaa qodob ka mid ah dastuurka oo sheegaya in hooyada Soomaaliga ee dhasha wiilka ajnabiga ah in loo aqoonsado wiilkaasi inuu yahay Soomaali, maadaama Soomaalinimada loo ogol yahay wiilka uu dhalay aabaha Soomaaliyeed, xaq darrada ugu weyn dumarka ayey haysataa waqtigan.

In Nigerian dalka 5 sanno deganaa la yiraa waa Soomaali, wiilkii aniga oo hooyo Soomaaliyeed ah aan dhalayna Soomaali ma ahan taasi cadaalad ma ahan, waa haddii dastuurka ay ku jirto arrintaasi oo ku saabsan qaadashada jinsiyadda.

In dumarka loo kordhiyo tirada 30%, haddii ay dhici weysana loo kaamilo yeelo tiradaas.

In la helo xal dhaama 4.5 kulligeen hooyaa na dhashay, 9 billood ayaan ku dhalanay, ILLAAHEY xagiisa & bini'aadanimadda waa in qof kasta xaq isku mid ah la wada qaato, marka la xisaabtamo dadka la leeyahay 4.5 Hawiye, Daarood, ama Isaaq waa ka badan yihiin, 10 qabiil ayaa 05 la isugu keenay.

In saxaafadda & TV-yada ay si xaq ah u siiyaan fursad, oo ay barnaamijyadooda ugu soo deystaan musharixiinta oo idil, haddii kale waxaa imaaneysa in qof kasta uu mas'uul ah in TV-ga wuxuu rabo inuu ka sheego, kii kale oo musharaxa ahaana uu dadka gaarsiin karin qorshihiisa siyaasadeed & waxqabadkiisa.

Arrinta Somaliland & Somalia ku saabsan, waxaan leeyahay wadahadalkan cusub ee ka dhex bilowday Somaliland & Somalia, wuxuu dhiig cusub gelinayaa hamiga waddaniyiinta, waana dhab runtii in Somaliland ay wax weyn tabaneyso, ayna u baahan tahay in lala fadhiisto, lana dhayo dhibaatooyinkii ay soo martay

60-kii markaan isku biirnay, waan is jecleyn, iyaga Somaliland waa naga fiican yihiin, dalkooda & dadkooda nabad & kala dambeyn ayey u horseedeen, haddii aan ku dayan weynay aan ku dedaalno in waxyaabaha ay Soomaali ka tabanayaan aan ka qancino, oo aan fahano in bidixdu haddeey midig maqan tahay aysan keligeed wax qaban karin.

Qodobkii ugu muhiimsan ee aan rabo inaan weydiiyo kooxda xiriirka caalamiga ah waxey tahay, goormaan ka baxeynaa baarlamaan dowlad doorto, waa inaan helnaa hab uu shacabku ku geli karo doorasho, waayo dowladdu waxey dowlad ku tahay inaan kooxda xiriirka weydiino goorma ayaan xaq u yeelan doonaa dowlad aan rabno inaan doorano, ujeedkeenu waa {intii uurku buki lahaa adimadu ha daalaan} waxaa nala gudboon qurba-joogta haddaan nahay waaga cusub ee Soomaaliya u furmay inaan ka qeybqaadano.

Yuusuf Sheekh Cabdi (Xariiri) oo dadkii kulankaasi ka hadlay ka mid ahaa wuxuu ku dheeraaday marxaladihii ay Soomaaliya soo martay xilligii gumeysiga ilaa waqtigii xoriyad qaadashada, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya haddii aysan helin dad Soomaaliyeed oo waddaniyiin ah, kana samatabixiya marxalada adag ee ay ku jirto, laga cabsi qabo in magacii Soomaaliya la oran jiray halkaas lagu waayo.

"Sida lagu samatabixin karo waxaa weeye Soomaalidii oo gacmaha is qabsata, kana gudubto hebel ayaa sidaa ah, una soo wada jeesata sidii dalka loo samatabixin lahaa" ayuu yiri Xiriiri oo sheegay in uu diyaarinayo qorshe ku saabsan in 50 kun qof oo Soomaali ah, kuna sugan dalka wax lagu baraayo, dadkaasna waxaa laga qaadan doonaa kuwa danyarta ah.

"Dadka aan soo xuli doono sooma xuli doono kaabo qabiil, waxaana lagu la soo xulayaa kuwa danyarta ah, si loo koriyo aqoontooda si ay shaqo ku helaan" ayuu yiri Xiriiri.

Cusmaan John

oo ah musharax u taagan jagada madaxweynenimada Soomaaliya, oo khudbad dheer kulankan ka jeediyey ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in maamulkeeda ay gacanta ku dhigaan dad u cuntami kara ummadda Soomaaliyeed, kuna dhici kara in ay dalka ka saaraan marxaladda adag.

"Waxaa loo bahaan yahay in qurbajoogta dibedda joogta oo dhan ay dalka galaan, kuwa qurba jooga waxey arkeen qurba-joognimada waxa ay tahay, walloow Talyaanigu inoo hiiliyey"

Cali xaashi Dhoore

oo ka mid ahaa musharixiintii madaxweynenimadda ee ka qeybgalay shirkii Jabuuti, ahna siyaasi u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Luul Max'ed Sheekh Cusmaan oo munaasabadda soo qabanqaabisay, wuxuuna u soo jeediyey guud ahaan Soomaalida Talyaaniga in ay u midoobaan sidii ay wadajir wax ugu wada qabsan lahaayeen.

"Talyaaniga xuquuq badan baan ku leenahay wax badan waa noo ogol yahay, wixii ka qabsan lahaa baa la rabaa. Roma haddii aysan kicin oo aysan yeelan guddi Soomaali u hadla Soomaalida kale waxba tari meyso" ayuu yiri Cali xaashi Dhoore, wuxuuna intaa ku daray in dhibaatada dalka ka jirta ay saameyn xooggan ku yeelatay qurbaha.

Cali xaashi wuxuu sidoo kale ka hadlay qodob intii uu shirku socday laga shaqariyey oo ku saabsan habka awood qeybsiga 4.5, wuxuuna yiri

"Dowlad xisbi siyaasi ah baa lagu gaaraa, 4.5 mushkiladeeda waa xal u ah dowladnimo, haddii ay dowladnimado timaado waa dhamaaneysaa, haddii sidaa la isku dhageysto wax badan baa la kala faa'iideysaa," ayuu yiri Cali Xaashi.

Cali xaashi wuxuu ka hadlay arrinta federaalka, wuxuuna xusay in Soomaaliya aysan xilligan munaasib ku aheyn qaadashada federaalka.

"Arrinta federaalka waa fiican laheyn haddii aqoonteeda la leeyahay, aqoon aan federaal ku maamulno ma lihin, waagii aan yeelano ayaa la gaari doonaa, dowladdii dhexe ayaanan hanan karin maamulkeedii, aqoondarro dowladnimo ayaa na haysa, hadda waan wada fadhinaa, isku dulqaad ma nihin, isku meel uma socono waa tabtaa xaaladda Soomaaliya" ayuu yiri Cali xaashi.

"Sida loo baranayo cilmig beeraha & dhisamaha ayaa loo bartaa cilmiga siyaasadda, aan wax barano markaa kadib aan dalkeena samatabixino" ayuu yiri Cali xaashi.

Shukri Siciid

oo ah gabar Soomaaliyeed oo joornaaliiste ah, isla markaana wareysiyo kala duwan la yeelatay madax ka tirsan Soomaalida ayaa sheegay in Soomaalida u baahan in la xorreeyo ay yihiin madaxda Soomaalida, oo ay ku tilmaantay in ay yihiin kuwa la haystayaal u ah taliyeyaasha ciidamada dalalka Uganda & Burundi.

"Nimankeena TFG-da ku jira waa la haystayaal Burundees & Ugaandees baa haysta, marar badan baan wareysi ka qaaday, iyaga ayaa u baahan in la xoreeyo, in ay annaga na xoreeyaan uma baahna" ayeey tiri Shukri.

Gabadhan joornaaliistaha ah waxey sheegtay in askarta Burundeeska marka ay la sheekeysanayaan madaxda dowladda ay sameecadda la iska dhageysto u gelinayaan, ujeedadooduna ay tahay in ay dhageysiiyaan mid kale.

Maryan Zoobe oo ka mid ah Jaaliyadda magaalada Roma, waxey sheegtay in socdaal ay Soomaaliya ku tagtay ay ku soo aragtay dadkii Soomaaliyeed intooda badan oo ay dhibaato, diif, abaar & macluul isugu tagtay, waxeyna sheegtay in ay la xanuunsatay dadkii ay soo aragtay, waxeyna Jaaliyadaha Soomaaliya Talyaaniga ka codsaday in aysan ku mashquulin waxyaabo aan munaasib aheyn, balse ay ka shaqeeyaan sidii ay dadkooda u saacidi lahaayeen.













 

W/Q C/shakuur & Saalax

Roma-Italia.

s.dheere@hotmail.com

cabdishakuur48@yahoo.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)