|
Qeybta labaad ciidamo dlka Jabuuti ka socda oo Muqdisho ku soo wajahan
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qeybta labaad ciidamo dlka Jabuuti ka socda oo Muqdisho ku soo wajahan
Cutubkii labaad ciimado ka socda Dowladda Jabuuti ayaa maanta la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, ciidamadaan oo aan la ogeyn tiradooda ayaa qeyb ka noqonaya ciidamada AMISOM ee howlgalada ka wada dalka Soomaaliya.
Wararka ayaa la sheegayaa in cutubka labaad ciidamada Jabuutiyaanka ah ee Muqdisho imaanaya loogu magac daray "Hiil" kuwaasi oo wata agabka ciidamada isla markaana qalabkoodu u dhameystiran yahay, kana duwan ciidamadii hore Dowladda Jabuuti ugu soo dirtay dalka Soomaaliya, isla markaana heysta tababar gaar ah.
Imaatinka ciidamada Hiil ee Jabuuti u soo direyso Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo isagu magaca Hiil u bixiyay, isla markaana ku sheegay inay u hiilinayaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan kooxo argagixiso ah.
Dhinaca kale wararka ayaa intaasi raacinaya in maalmaha soo socda Dekedda Muqdisho uu soo gaarayo Markab u raran ciidamada Jabuuti oo sida baabuurta dagaalka, gawaarida ciidamada, hub iyo saanado milateri oo kala duwan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|