Somali News
    Hees  

Shir jaraaid maanta ka soo baxay xisbiga ummada soomaaliyeed ee S.N.U

Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Waxaa maanta taariikhdu tahay 30/6/2012 lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga ummada soomaaliyeed ee S.N.U shir kaas oo ay ka soo qayb galeen siyaasiinta iyo xildhibaanada ku abtirsada beelaha banaadiriga dood dheer ka dib waxaa furmay shirka kaas oo ugu horeyntii aayado quraan ku furay qadhiibka abuukar cabdulqaadir shaamow kadib waxaa hadalka qaatay muddane xaaji cumar aweys nuur asagoo tahniday u idray shacabka soomaaliyeed iyo dowlada kmg isagoo ugu hambalyeeyey munaasabada 52 guurada kasoo wareegatay maalintii ay soomaaliya xor noqotay iyo israacii labada gobol isagoo ku dheeraaday ka sheekeyntii taariikhda ay soo martay 1da luulyo.

Ka dib waxaa meesha ka hadlay xoghaya guud ee xisbiga S.N.U kaasoo u hambalyeeyey maalinta xornimada iyo israacii labada gobol ee soomaaliya ka dib asagoo hadana tahniyad u diray madaxweynaha soomaaliyeed sh shariif sh axmed isagoo ugu tahniyadeeyay kaalintii geesinimada lahaay ee uu ka qaatay in uu wada hadal la furo walaalkiisa somaliland muddane axmed maxamuud siilaanyo muddane axmed iikar wuxuu kaloo ka hadlay ansaxinta dastuurka isagoo ku taataaqsaday uuna si fiican uga hadlay dhibaatada ay leedahay dastuur la'aanta iyo faaiddada ay u leedahay dasuurka shacabka ka dib waxaa hadalka qaatay xildhibaan maxamed sh.cali (Oobo) isagoo ka hadlay waxyaabo fara badan uuna u hambalyeeyey shacabka iyo dowlada soomaaliyeey munaasabada 52 guurada ka soo wareegatay xornimada ka dib waxaa ugu dambeyntii meesha ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga ummada soomaaliyeed ee S.N.U.

Muddane xildhibaan Caamir Axmed Maxamed (Jakeeti) asagoo ugu horeyntii shacabka iyo dowlada kmg u diray hambaylo ku aadan sanadguuradii ka soo Wareegatay 52guuradii xornimada soomaaliya iyo israacii labada gobol ka dib wuxuu tahniyad u diray madaxweynaha dowlada kmg sh shariif sh.axmed tallabadii geesinimada lahaay ee uu qaaday oo wada hadal la furay dhigiisa somaliland muddane axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) wuxuu alle uga baryay xildhibaanka in uu guul ku dhamaado kana soo baxo waxyaabo dad u ah labada shacab ee walaalaha waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaan shariif maxamed seydii xildhibaan maxamed sh cabdi xildhibaan dayfulah.






ugu dambeyntii wuxuu shirka ku dhamaaday guul


wibilaahi towfiiq

w.d afhayeenka xisbiga s.n.u
dr.ali omar abati binfaghi

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)