|
Kuwii kasoo baxay al-Shabaab oo dalkooda kusoo laabtay nolol cusubna bilaabaya
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kuwii kasoo baxay al-Shabaab oo dalkooda kusoo laabtay nolol cusubna bilaabaya
Cabdi Xuseen Cabdi, oo ah 23 jir, kana tirsanaa Al Shabaab, ayaa ku fadhiyay darin isaga oo shaah la cabayay dhalinyaro isagoo kale ah, joogayna guri nin saaxiibkiis ah. Qolka waxaa ka socday sheeko sawaxan leh, laakiinse Cabdi wuu aamusnaa, marmarna wuxuu u dhoola cadaynayay kaftanka meesha ka socda.
Saraakiil xagga ammaanka ah oo ku sugan Kenya ayaa sheegaya in dadkii ay qorteen al-Shabaab ay kasoo baxayaan kooxda, ayna bilaabeen in ay dalka dib ugu soo laabtaan. koox dhainyaro ah oo socota waddo ku taala meel u dhow xudduudda Somaaliya iyo Kenya. [Phil Moore/AFP]
Qodobbo la xiriira
Ahulu Sunna wal Jamaaca: al-Shabaab waxa ay askaraynaysaa carruur
Guddi hawleed bilayska ah oo baaraya weerarkii kaniisaddii Nairobi
Masuuliyiinta Puntland iyo hogaamiyayaasha diineed muujiyay sida ay uga soo jeedaan al-Shabaab
Cabdi wuxuu Sabahi u sheegay in uu hada ka soo noqday Somalia, halkaas oo uu ka garab dagaalamayay Al Shabaab ilaa bishii Ogoosto 2010. Wuxuu sheegay in uu Al Shabaab ku biiriyay nin la yiraahdo Muuse Xuseen Cabdi loona yaqaano Dheere, isaga oo u balan qaaday lacag.
Dheere oo ahaa nin Al Shabaab dhlainyarada u shaqaalaysiiya, asalkiisuna ka soo jeeday Deegmada Wajeer, waxaa lagu dilay goob kontorool ah oo Somalia ku taala, markay taariikhdu ahayd Juune 2011, isaga iyo Fasul Cabdullah Maxamed oo ahaa maskaxdii ka danbaysay qaraxii safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daara Salaam ee 1988-dii.
Cabdi wuxuu sheegay in kooxda Al-Qaaciddada ku biirtay ee uu u tagay in uu taageero in laga itaal roonaaday lagana xeelad badiyay ayna lumisay taageedadii ay Somalidu u qabeen, sababata oo ah xayiraad aan muhiim ahayn iyo dilitaanka aan kala soocitaanka lahayn ee shacabka ay ku hayso.
Dagaalkii ugu danbeeyay ee uu galo Cabdi wuxuu sheegay inuu Afmadow kula galay Ciidamada Difaaca Kenya, halkaas oo ay hada ka hoos shaqeeyaan Howl-galka Midawga Afrika ee Somalia (AMISOM),
“Waxay ahayd dhibkii noogu waynaa ee aan la kulano ilaa Oktoobartii la soo dhaafay. Waxaan ku socnay dhul aad u adag oo qarfo ah oo ay cuntadu ku yar tahay amaba aan lahayn. oo aan wax mushaahar ah lahayn, anaga oo ay nagu socoto duqan cirka iyo dhulkaba ah.”
Jabkaas ayaa isaga iyo tobon wiil oo kale ku khasabtay in ay si dhuumaalaysi ah Kenya ku soo galaan. Iyaga oo iska dhigaya qaxooti ka soo cararay dagaalka Somalia.
“ Markii aan Al-Shahab ku biiray, uma aanan diyaarsanayan dagaal xoog leh oo ciidan dibada ah nagaga yimaada. Waxay ahayd in aan la dagaalanno ciimada Somalia iyo kuwa itoobiyaanka ah, laakiinse markii lagaa soo weeraro dhinac walba , adiga oo haysta qoriga Kalashnikov iyo kuwa sida darandooriga u dhaca, dhibaatadaas waad dareemaysaa.” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay , in Al Shabaab oo mar ahan jirtay urur xoog leh uu hada noqday mid aan is haysanin abaanduulayaasheedu iyo dagaalyahanada ajnabiga ahna ay ka kala firxanayaan.
In kastoo uu Cabdi uu ka baxay kooxda, mar marka qaarkood ayuu la kulmaa kuwo Al Shabaab dhalinyarada u shaqaalaysiinaya oo ka codsanaya in uu jiida hore ee dagaalka ku noqdo.
“Waxaan rabaa in aan dago, qoys dhiso oo aan noqdo qof muwaadin ah oo sharciga raacsan. Al Shabaab waxaan u galay shaqo ahaan, laakiinse lixdii bilood ee ugu danbaysay mushaaar nalama siinin," ayuu yiri
Jaamac Cabdullahi Xasan oo ah saaxiibka Cabdi wuxuu sheegay in Cabdi iyo saaxiibadii hal maalin la waayay iyda oo aysan qofna u sheegin. Xasana uu shakiyay markii uusan warkooda maqlin dhawr bilood.
“Waxaan aad u neceb nahay dilalka aan kala sooca lahayn ee ay Al-Shabaab ku kacayaan” ayuu Xasan yidhi “ Hada saaxiibaday way soo noqdeen, waxaan rajaynayaa in ay is badleen ayna diyaar u noqdaan in ay shacabkooda ku biiriaan.”
Xasan wuxuu sheegay in ay taageerayaan saaxiibkood Cabdi oo hada soo noqday. Waxay kale oo ay qorshaynayaan in ay ku kaalmeeyaan in uu ganacsi bilaabo oo uu bog cusub oo noloshiisa ah furo.
Dawladda Kenya ayaa codsanaysa in soo goostayaashu cafis dalbadaan
Dhalinyaro badan ayaa dib loogu arkayaa tuulooyinka iyo magaalooyinka Gobolka Waqoyi Bari ee Kenya kadib muddo dheer oo ay maqnaayeen, dadka deegaanka ah, saraakiisha dawlada iyo falanqeeyayaasha amaanka ayaa u sheegay Sabahi. Waxaa la la aaminsan yahay in dhalinyardaas ay si dhuumalaysi ah dib wadanka ugu soo noqonayaan, markii ay ka soo carareen ciidamada huwanta ah dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab ee Somaliya.
Dawladu tiro sax ah ma hayso, laakiinse Madaxa booliiska ee Gobalka Waqooyi Bari Leo Nyongesa ayaa Sabahi u sheegay in boqolaal ay Al-Shabaab ku biireen ilaa iyo 2006-dii, hadana ay muuqato in ay dib guryahdoodii ugu soo noqonayaan.
“Soo noqoshadoodu waa muhiim, sababata oo ah waxay ka soo tagayaan koox argagixiso ah” ,"Nyongesa ayaa yidhi “ Isla markaana walwal ayay nagu haysaa, sababata oo ah ma garanayno waxa ay isku badali doonaan. Amaanku aad ayuu u sareeyaa, waxaan ku talaabsan doonaa in aan qabano ama xidhno hadii aan ogaano in ay dhibato maleegayaan.”
Dhalinyaro badan si cad uma sheeganayaan in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab cabsi darteed, laakiinse Nyongesa wuxuu sheegay in dawladu ay doonayso in soo -goostayaashu ay is caddeeyaan, cafisna dalbadaan, booliskana la shaqeeyaan si ay u siiyaan warar muhiim an oo ku saabsan sida uu ururkaas u shaqeeyo.
Al-Shahab oo sakaraadaya
Falanqeeyayaasha xagga amaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanada ay al-Shabaab ka qorteen Kenya ay ka tagayaan ururkaas sababata oo ah cadaadiska Al-Shabaab ka soo food saaray dhinaca Ciidamada Somalida ah iyo kuwo Afrikaanka ahba, taas oo sababatay in ay kala cararaan, is qabqabsi dhaxdooda ahna uu aad u wiiqay.
Bashir Xaaji Cabdullahi oo ahaa Gaashaanle ciidamada ka tirsan oo howl-gab ah ayaa sheegay in dhalinyaradan soo noqonaysa ay calaamad u tahay in Alshabaab ay mareen Marxalada sakaraadka Al-Shabaab ay marayaan maraladda sakaraadka, markii ay waayeen meelo muhiim ah oo ay haysteen.
Si walba oo ay ahaataba, wuxuu ka digay, iyada oo dhalinyarada soo noqoshadeedu aysan ahayn arin toos ah oo amaanka khatar ku ah, hadana dawladu in ay waajib ka saran yahay in ay ka hadasho arimhii ku bixiyay dhalinyaradaas in ay markii horaba Al-Shahaab ku biiraan.
Dhalinyarada gobalka ah ee Al-Shabab ku biirtay waxay ugu biireen lacag ahaan. ,ma aha in ay fikirkooda khaldan raacsan yihiin, ayuu yiri. Cabdulaahi wuxuu sheegay in inkasta oo dhalinyaradaas ay soo noqonayaan iyaga oon hubaysnayn, hadana waxaa loo taba baray in ay dalgaalamaan, taas oo keeni karata khatar.
“Waa fursad naadir ah” ayuu yidhi. “ Intii la fogayn lahaa, taas oo laga yaabo in ay ku biiraan urur kale oo xag jir ah, dawladu waa in ay dhalinyardaas mashquulisaa iyada oo shaqo u abuuraysa ama ka dhigaysa kuwo iyagu isku filan.”
David Ochami oo ah wariye xaruntiisu tahay Mombasa, una kuur gala ururdada xag jirka ah ee Bariga Dhaxe iyo Geeska Afrikaa, ayaa sheegay in dhalinyardaas ay ogaadeen in dagaalku uu san ahayn wax sahlan.
“Ciidamda Somaliya iyo Kuwa Midowga Afrika , al-Shabaab ciidan ahaan oo kaliya uma aysan burburnin, ee fikirkeeda way burburiyeen, sabahi ayuu u sheegay. "Fikradii Jihaadka waa la baabi’iyay, wax mooraal ah oo ay dhalinyardu u hayaan in ay ku biiraan urur isagiiba jabay ma jiraan.” xigasho:
sabahionline.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|