|
Waxqabadka Dowladda Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ….. Barnaamij Taxane ah (Jimco waliba)
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Waxqabadka Dowladda Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ….. Barnaamij Taxane ah (Jimco waliba)
(DAAWO SAWIRADA)
QEYBTA 1-KOOWAD:- 30 kii Janaury ee 2009 waxaa hoolka Doorashada ay ka dhaceysay oo ay ku sugnaayen Siyaasiyeen, aqoonyahaano, waxgarad lagu doortay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo ku guuleystay Aqlabidaya ugu badan Codeynta, Doorasho kadib Madaxweyne Shariif waxa uu siyaasiyiinta iyo Masuuliyiin ka socday beesha caalamka ka hor cadeeyay in uu ahaan doono madaxweyne daacad u ah Dalka iyo dadka.
Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa kusoo baxay Cod 293 waxaana Xaflado loogu dabaal dagaayo Madaxweynaha Durbadiiba ka dhacday Gabi ahaan Dowladaha Caalamka oo ay ku dhaqan yihiin ummada soomaaliyeed taasoo ka turjumeysay in ummada soomaaliyeed ay baahi weyn u qabtay Nabad iyo kala danbeyn, intooda badan umadda soomaaliyeed horayna uma aynan soo arkin Dalka soomaaliya oo Madaxweyne baahi tira Bulshada yeeshay tani markii ay dhacday Dowlada Soomaaliya markii laga reebo Dowladii Marxuum Cabdullahi Yuusuf oo iyadu lagu eedeeynaayay xiligaasi in ay horsed u noqotay burburka soomaaliya soona ka xeysatay Ciidamo lid ku ahaa Horumarka iyo dhismaha Soomaaliya.
Tirada Codka iyo guusha Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed kadib waxa uu Khudbad Dheer ka jeediyay Siyaasiyiinta iyo Beesha caalamka Hortooda waxaana kamid ahayd Khudbadiisa ‘’ Waxan halkaani ka salaamaya Siyaasiyiinta,Baarlamaanka,beesha caalamka iyo Dowlada Djabuti oo marti galisay doorashadaani, waxan sidoo kale u mahad celinaaya Saaxiibaday ama walaalahay igala soo qeyb galay tartanka oo qiimaha tartanka uu leeyahay siiyay Gaar ahaan walaalkey Maslax Mohamed Siyaad Barre oo natiijo aad u wanaagsan muujiyay, waxan sidoo kale u mahad celinaaya walaalkey Nuur cadde oo ah Raisul wasaarihii hore oo dadaal badan kasoo geestay wada hadalada iyo wanaaga intaan nasoo gaarsiiyay intaa kadib Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa sharaf weyn ii ah in aan kalsooni iyo taageero ka helo dhankiina waana idin kaga mahad celinaaya, waxan balan qaadaya in aan cadaalad ku dhaqi doono dalka iyo dadka soomaaliyeed adinkuna kama marna in aad garab igu sisaan masuuliyada aan xinbaarsaday’’ Nuqul kamid ah Khudbadii ugu horeysay Madaxweynaha kadib markii codka lagu dhawaaqay.
Ku dhawaad Dhowr asbuuc ilaa iyo Bil kadib Madaxweyne Shariif waxaa loo galbiyay Magaala madaxda soomaaliya ‘’Mugdisho ’’ waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowladii Cabdullahi Yuusuf oo xiligaasi xilka kasii dageysay, waxaana xusid mudan in xiligaasi Gabi ahaan magaalada Muqdisho ay ka socdeen Banaanbaxyo lagu taageerayay Madaxweynaha Cusub Sheikh Shariif Sheikh Axmed .
intaa kadib Madaxweynaha waxa uu ka hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho isaga oo ku wacad furtay in uu waxbadan ka badali doono marxalada Dalka uu ku sugan yahay islamrkaana dadka u tabaaleysan Nabada iyo Horumarka uu taabsiin doono waxqabad muuqda Sheegayna in iyaguna looga baahan yahay in ay taageeran Nabada kalsoonina siiyan Dowlada Cusub .
TALAABADII UGU HOREYSAY UU QAADAY MADAXWEYNE SHARIIF
Madaxweyne Shariif Howshii ugu horeysay Dhamaadkii 14 jan 2009 waxa uu ka bilaabay in dalka soomaaliya uu ka saaro Ciidamada Ethiopia oo xiligaasi garab istaagsanaa Dowlada Marxuum Cabdullahi Yuusuf islamarkaana duqeyn iyo barakac ku haysay dadka soomaaliyeed waxa ayna hoobiyayaal ku garaaceysay Goobaha Dadka rayidka ay ku ganacsanaayen, taasina waxa ay soo dadajisay in Ciidamadii Marxuum Cabdullahi Yuusuf iyo Kuwa Ethiopia ay ku gacan seeran Go’aankoodii ahaa wax kabadalka marxalada dalka soomaaliya katagneyd.
Muddo kooban Kadib waxaa bilowday in Urura diimeedyada ay kasoo horjeestan Dowlada Cusub ee Madaxweyne Shariif oo ay dadku ku riyaaqeen maadaama Sheikh Shariif xiligaasi loo aqoonsanaa in uu katirsanaa Maxkamadaha islaamiga waxbadana kabadalay 6-bilooda Gudaheeda Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha waxaa hawada loo mariyay durbadiiba Canbaareyn iyo Dhaliilo halka Alshabaab iyaduna ay ka gaaleysiisay Madaxweynaha Hayeeshe Shariif Sheikh Axmed arintaasi dhag Jalqa uma siinin balse waxa uu u ambaqaaday soo celinta Bilicda dalka soomaaliyeed iyo waliba Guud ahaan amaanka, durbadiiba waxa uu kala nidaamiyay Qeybaha kala duwan Ciidamada Dalka soomaaliya isaga oona u qoray mishear ku filan gabi ahaan Ciidamada si looga sal-gaaro Nabada iyo Horumarka dalka Soomaaliya.



Waxaana xusid Mudnayd in xilalka uu u magacaabay Mudanayaal Karti u leh howshaasi ………..
Lasoco Qeybta labaad ee waxqabadka Dowladda Madaxweyne Shariif

W/Q. Ali Mohamed Jimale (Ali oyaaye)
Email:- alioyaaye@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|