Somali News
    Hees  

BARNAAMIJ TAARIIKHI AH OO KU SAABSAN HALGANKII GOBANNIMADOONKA

Gothenburg Sabti 30 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


BARNAAMIJ TAARIIKHI AH OO KU SAABSAN HALGANKII GOBANNIMADOONKA

(Halkan ka dhageyso SYL 1aad) (Halkan ka dhageyso SYL 2aad)

Dhegaystayaal kusoo dhawaada Barnaamij gaar ah oo AANU UGU TALAGALNAY sanadguurada 52-aad ee qarannimada Soomaaliyeed waana barnaamij xiiso badan oo ku saabsan halgankii ummadda Soomaaliyeed aay usoo gashay hanashada qarannimada iyo midnimada .

Barnaamijkaas oo uu soo diyaariyey Cabdullahi Sh. Hussen (H/W) wuxuu ka baxay raadiyo Muqdishow 1976.Waxaana barnaamijkaas lagu waraysanayaa halgamayaashii usoo tiil iyo tacab beelay dhidbidda qarannnimadii aanu ku naaloonay 1960-kii waxaana halgamayaashaas barnaamijkaan aanu ku wareeysanayno kamid ahaa alla ha u naxariistee Xaaji Maxamd Xussen o o ka mid ahaa Asaasayaashii SYL, waxaa kale oo barnaamijkaan lagu wareeysanayaa, Yusuf Maxamuud Xoosh (Ruuraa) oo kamid ahaa halgamayaashii SYL ee Gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya, waxaa kale oo Barnaamijkaan lagu wareeysanayaa Timiro Cukaasho oo Xabsiga ku Umushay iyo Xaliimo Godane oo ahayd qofkii garabka ka taagnayd oo cid ugu xigtay markii la dilay Xaawo Taako ,labadaan gabdhood oo barnaamijkaan ku xusan waxaay astaan u yihiin kaalintii dhiiranayd oo haweenka Soomaaliyeed kasoo Qaateen halgankii Gobannimadoonka.

Soo diyaariyey Cabdullahi Sh. Hussen (HantiWadaag)
Web Updating, Somaliweyn Website
Gothenburg Sweden  
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)