|
Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi : "Kooxaha argagixisada ah ee Kismaayo joogta dadka waxay ku khasbayaan inay keenaan 200-dhallinyaro oo iyaga u dagaalameysa"
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi : "Kooxaha argagixisada ah ee Kismaayo joogta dadka waxay ku khasbayaan inay keenaan 200-dhallinyaro oo iyaga u dagaalameysa"
Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka kana soo jeeda gobolka Jubbada hoose ayaa ka warbixiyay xaaladda goboladaas, isagoona si gaar ah uga hadlay arrimaha nabadgelyada iyo shacabka ku dhaqan goboladaas, gaar ahaan degaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi in degaanada ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida dadka ku dhaqan ay ku jiraan xaalad ka daran gumeysi, isagoona sheegay in shacabka ku dhaqan gobolada ay maamulaan dadka degan lagu khasbo inay dagaalamaan.
Xildhibaanka oo u waramayay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in maleeshiyaadka Shabaabka degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka ay ku amrayaan inay bixiyaan dhaqaale ay ku dagaal galaan, wuxuuna intaasi raaciyay Xildhibaan Maxamed Cumar in dhallinyarada iyo ragga da' dhexaadka ah lagu amray inay yimaadaan goobaha lagu tababaro ciidamada si ay uga qeyb galaan dagaalada ay gobolka ka wadaan.
"Kooxaha argagixisada ah ee Kismaayo joogta dadka waxay ku khasbayaan inay keenaan 200-dhallinyaro oo iyaga u dagaalameysa" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi oo intaasi raaciyay in dhibaatooyin intaasi ka sii badan lagu hayo.
Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi ayaa shacabka reer Kismaayo ku booriyay inay ka feejignaadaan dhibaatada lala damacsan yahay oo uu sheegay inay meel uga soo wada jeestaan gumeysiga cadowtinimada miiran ah ee kooxaha argagixisada ku hayaan.
"Dowladda KMG ah oo mas'uul ka ah dadka lagu dhibaateynayo magaalada Kismaayo waxaan ugu baaqayaa inay garab ku siiso shacabkaas sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen heeryada gumeysi" ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay markaan in ciidamada Dowladda iyo ciidamada dalalka deriska ah inay kordhiyaan isla markaana dedejiyaan sidii ay Kismaayo ku gaari lahaayeen oo kooxahaasi Kismaayo dhibaatada ku haya looga dulqaadi lahaa.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|