|
Kalonzo Musyoka : "Shacabka Kenyanka ah iyo Ciidamadeena waa inay si wadajir ah ula dagaalamaan Xarakada Al-Shabaab oo caqabad ku ah Nabadgaliyada Wadanka Kenya "
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kalonzo Musyoka : "Shacabka Kenyanka ah iyo Ciidamadeena waa inay si wadajir ah ula dagaalamaan Xarakada Al-Shabaab oo caqabad ku ah Nabadgaliyada Wadanka Kenya "
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ahna Wasiirka Waxbarashada Kalonzo Musyoka oo booqday Isbitaal ay kujireen dadkii ku dhaawacmay Qarixii kadhacay Magaalada Mambaasa ayaa sheegay Ciidamada Amisom in ay Al-Shabaab ka adkaadeen islamarkaana ay ka qabsadeen Magaalooyin muhiim u ahaa.
Kalonzo Musyoka ayaa tilmaamay in dowladiisa dhibaato ay ku qabto dadka Dalxiisayaasha ah ee imaanaya Kenya oo ay kusoo dhax dhuuntaan Xubno katirsan Al-Qaacida oo sida dhowr jeer dhacday lagu qabtay Kenya iyagoo doonaya inay kusoo biiraan Xarakada Al-Shabaab ee Soomaalia.
"Shacabka Kenyanka ah iyo Ciidamadeena waa inay si wadajir ah ula dagaalamaan Xarakada Al-Shabaab oo caqabad ku ah Nabadgaliyada Wadanka Kenya " ayuu intaasi ku daray Madaxweyne ku xigeenka Kenya ahna Wasiirka Waxbarashada Kalonzo Musyoka.
Ciidamada Kenya ee Soomaalia soo galay Sanadii hore 2011kii ayaa iminka qeyb ka ah Howlgalka Amisom iyagoona diirada saaraya qabsashada Magaalada Dakada leh ee Kismaayo ee Kismaayo oo Al-Shabaab gacanta ugu jirta.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|