|
Dowladda Uganda iyo Ururka Midowga Afrika oo ku heshiiyay in Ciidamo ah la geeyo Magaalada Muqdisho.
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Uganda iyo Ururka Midowga Afrika oo ku heshiiyay in Ciidamo ah la geeyo Magaalada Muqdisho.
Waxaa heshiis kala saxiixday Ururka Midowga Afrika iyo Dowladda Uganda, iyadoo heshiiskaasi uu ku saabsan yahay in Ciidamo Boolis ah la geeyo saldhigyada Ciidamada Booliska Muqdisho.
Heshiiska ayaa labada dhinac isku afgartay in 140-askari oo Booliis ah in Uganda ku keento magaalada Muqdisho , waxayna ciidamaan Booliska qeyb ka noqonaayaan howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa golaha nabadgalyada ee Midowga Afrika isku raacay in howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya lagu kordhiyo ciidammo Booliis ah oo qayb ka qaata sugidda nabadgalyada.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan si buuxda u ayiday in Ciidamadaasi Booliska ah la geeyo Magaalada Muqdisho, waana markii ugu horeysay oo ay howlgalka AMISOM ka qeyb noqdaan Ciidamo Boolis ah oo ka socda Midowga Afrika.
Midowga Afrika ayaa wada heshiis uu doonayo in la saxiixdo Dowladda Nigeria sidii ay 140-askari oo Booliis ah u geyn lahayd magaalada Muqdisho, iyadoo Magaalada Muqdisho ay haatan joogaan 60-askari oo Booliis ah kuwaasoo ka socda ururka Midowga Afrika.
Dhinaca kale Ururka Midowga Afrika wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska ah ee ka socda dalaka Uganda iyo Nigeria loogu talogalay inay qayb ka qaataan xasilinta caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ah meesha ciidanka Midowga Afrika uu ka howlgalo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|