|
LA YAABKA EURO: Maroodi saadaalin doona koobka qaramada Yurub.!
Khamiis 7 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

LA YAABKA EURO: Maroodi saadaalin doona koobka qaramada Yurub.!
(Arboco) 06 June 2012 Mar sii horeeysay oo maanta ahayd ayuu ra'iisul wasaaraha Poland oo lagu magacaabo Donald Tusk wuxuu saadiyay inuu dalkiisu 1-0 kaga adkaan doono xulka Giriiga kulanka ooda looga qaadayo koobka EURO 2012 maalinta jimcaha ah ee soo aadan balse haatan sheeka kalaa soo baxaysa.
Maroodiga lagu magacaabo Citta oo ah maroodi dhadhig oo 33 jir ah ayaan laftiisu dab yar shidin marka ay timaado saadaalinta ciyaaraha kubadda cagta.
Citta ayaa lagu wadaa inuu sameeyo wixii ay sameeysay Faramagoogadii Paul oo saadaalisay kulamo badan oo ka tirsanaa koobkii aduunka 2010 gaar ahaan kuwii Jarmanku ciyaarayeen, waxayna weliba CITTA dadka kaga yaabsatay sida ay u saxday saadaashii kulankii dhamaadka ahaa ee koobka horyaallada Yurub oo sii sheegtay inay Chelsea FC ku guulaysaneyso.
CITTA oo ku xaraysan xadiiqad xayawaanka lagu hayo oo ku taalla magaalada Krakow ayaa galabta la hoos dhigay laba bocor oo ay ku kala qornaayeen magacyada POLAND iyo GIRIIGA iyadoo tilmaantay kii Poland waxayna haatan indhaha oo dhami ku ligan yihiin waxa dhaca Jimcaha soo aadan oo ay ciyaartaasi dhici doonto.
ALLAAH un baa og wixii naga dahsoon.
GOOL FM
Joachim Low oo laacibiinta Jarmalka u jeediyay inay ciyaarta iyo jaceylka kala saaraan..!!!
(Arboco) 06 June 2012 Joachim Löw oo ah macalinka Jarmanka iyo kaaliyayaashiisa ayaa soo saaray xeerarka laga rabo inay adeecaan xidigaha Jarmanka oo juhdi ugu jira sidii ay janjalka ugu dhegi lahaayeen koobka Euro 2012 oo ay dufcadii ugu dambaysay jeebka looga ritey.
1- Xidigaha Jarmanka waa loo ogolyahay inay xaasaskooda iyo caruurtoodu kusoo booqdaan hoteelka ay joogaan balse maareeyaha Germany Oliver Bierhoff ayaa tibaaxay inaysan weli go'aansanin inay habeenkii la joogi karaan iyo in kale balse jawaabtu ay maya u badan tahay.
2- Sidoo kale ciyaaryahanadda Jarmanka ayaa loo ogolyahay adeegsiga shabakaadka isku xirka bulshada sida FACEBOOK iyo TWITTER-ka laakiin shuruud waa inaysan wax xun ka qorin laacibiinta jaalkooda ah, kuwa kasoo horjeeda, jaalayaasha Garsoorka iyo kulamada hoose ee ay yeeshaan xulka Jarmanku.
3- Ciyaaryahanada ayaa sidoo kale loo ogolyahay inay bixi karaan habeenadda aysan ciyaar lahayn (Day offs) balse waa inay goob joog yihiin saacad ka hor marka tababarka la aadayo sidoo kalana waa inay hoteelka kusoo noqdaan inta u dhaxaysa 11:00 fiidnimo ilaa 12:00 saqda dhexe.
GOOL FM
Glen Johnson oo xaqiijiyay inuu ku biirayo xulka sedexda libaax ee England
(Arboco) 06 June 2012 Laacibka dadabka ka difaac gala ee kooxda Liverpool iyo xulka Ingiriiska Glen Johnson ayaa bogiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu u safrayo dalka Poland.
Taageerayaasha Ingiriiska ayaa la leeyahay way ku farxi doonaan hadalka uu sheegay Johnson oo ku biiraya 22-ka laacib ee kale ee xulka Ingiriiska isagoo kasoo duulaya gegada Luton Airport ee dalka Ingiriiska laba-saac-iyo-bar kadibna gaaraya magaalada Krakow ee dalka Poland oo ay ku sugan yihiin Roy Hodgson iyo ciidamadiisu.
Dalka Ingiriiska ayaa markaa dabadeed 5 kun oo KM jari doona inta ay socdaan sedexda ciyaarood ee heerka wareegyada ee ay ku ciyaarayaan dalka Ukraine.
Taageerayaasha Ingiriiska iyo ciyaaraha lafa gura qaarkood ayaa la yaaban go'aanka Hodgson uu kaga soo tegey daafaca kooxda Man Utd Rio Ferdiand iyadoo Johnson laftiisa loo yeerey kadib dhaawicii Cahil.
GOOL FM
Angela Merkel oo gaadmo ku tegeysa hoteelka xulka Jarmanka.!
(Arboco) 06 June 2012 Ra'iisul wasaaradda Jarmanka Angela Merkel ayaa caawa si lama filaan ah casho uga qaybgeleysa hoteelka ay joogaan xidigaha metelaya xulka Jarmanka.
Mrs Merkel ayaa lagu wadaa inay la casheeyso ciyaaryahanada Jarmanka iyadoo sidoo kale cashada ka jeedin doonta hadal gaaban oo u badnaan doona dhiiri gelin iyo madax salaax.
''Waxaanu dhararaynaa inaan la kulanno Ra'iisul wasaaradda'' ayuu yiri Manuel Neuer oo kubadda u qabta xulka Jarmanka.
Balse daafaca Pert Mertesacker ayaa dhan kale wax ka eegaya isagoo gocanaya booqashooyinkeedii hore. ''Aniga ahaan falxad bay ii tahay. Hadalladeedu waa gaaban yihiin waana cad yihiin, xitaa waxay noosoo dirtaa fariimo ay nagu boorineyso inaanu u dagaallano daafaca iyo metelaadda Germany'' ayuu yiri.
GOOL FM
Petr Čech: ''Yaan nala yaraysanin yaab baan dhigi karnaaye''
(Arboco) 06 June 2012 Goolwalaha sanadkan ku guulaystey koobka horyaallada Yurub ee UEFA Champions League Petr Čech oo ku sugan hoteelka MONOPOL ee magaalada Wroclow ee dalka Poland ayaa taageerayaashiisa uga jawaabay su'aalo la xiriira koobka qaramada Yurub ee jimcaha ka bilaabmaya dalalka Ukraine iyo Poland.
Mar la waydiiyay su'aal ku aadanayd filashada xulkiisa Czech ee koobka UEFA EURO 2012 ayuu yiri: ''Fursadeennu waxay uun la mid tahay sida kuwa aanu wareegga iskula jirno (Group A)''.
Goolwalaha waaya araga ah oo kasii hadlaya cida ay la tahay inay sanadkan koobka janjalka qabsan karto ayaa daba dhigay: ''Mid ka mid ah dalalka Spain. Germany iyo Netherlands ayaa koobka ku guulaysanaya. Ingiriiska waxay dhibaato ka haysataa ciyaartooyda ka dhaawacan anaguna dadka waan ka yaabin doonnaa'' ayuu kusoo koobay Petr Čech oo kalsooni muujinaya.
GOOL FM TOLOOW WAA KEE?: Talyaaniga oo u yeertey ciyaaryahan gurmad ah.!
(Arboco) 06 June 2012 Macalinka xulka Talyaaniga Cesare Prandelli ayaa u yeerey daafaca da'da yar ee kooxda Cagliari Davide Astori si uu u gashado kabihii uu ka baxay Andrea Barzagli oo tartanka Euro 2012 shaki wayni kaga jiro kadib markii uu tababarka anqawga kaga dhaawacmay.
Waloow laacibkan loo yeeray wuxuu misna go'aanka rasmiga ihi soo bixi doonaa jimcaha oo ay wax kastaahi ku xirnaan doonaan natiijada scan-ka la saarayo dhaawaca ciyaaryahan Barzagli markaas oo la go'aamin doono cida guryo noqon doonta ma Barzagli mise Astori.
Daafaca FC Internazionale Milano Andrea Ranochia oo ka ciyaara isla booska dambeedka dhexe oo ahaa ninka ku haboonaa inuu bedelo Barzagli ayaan loo yeerin maadaama uu laftiisu todobaadkii hore ku dhaawacmay tababarka.
Xulka Azzuri ayaa axadda soo aadan kulan adag kula balansan dalka Spain tiiyoo ay jirto inaysan Talyaanigu niyad wanaagsanayn maadaama aysan hal kulana badinin dhamaan kulamadii saaxiibtinimo tiiyoo ay jirto inay is reebreebkii Euro 2012 ugasoo bexeen si sharaf leh iyagoo 2 gool uun laga dhaliyay intii ay socdeen ciyaarahaasi.
Waxaa isku duway: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Tifaftiraha: GOOL FM.NET
Copenhagen, Denmark
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|