|
Al-Shabaab oo Barak Obama iyo Hilary Clinton Madaxooda Dul dhigay xoolo nool oo isugu jira Geel iyo Digaag
Mogadishu Sabti 9 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabaab oo Barak Obama iyo Hilary Clinton Madaxooda Dul dhigay xoolo nool oo isugu jira Geel iyo Digaag.
Fu’aad Maxamed Qalaf (Fuaad Shongle) oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay lacagihii dhawaan Dowladda Mareykanka ay sheegtay inay siinayso ciddii soo sheegta todobo Sarkaal oo ugu sareeya hogaanka Al-Shabaab.
Shongle waxa uu Sheegay in Al-Shabaab ay abaalmarin siin doonaan ciddii sheegta halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama iyo xoghaya arrimaha Dibadda Dalkaasi Mareykanka Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton.
Fu’aad Shongle oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ay Dowladda Mareykanka lacagaha dul dhigtay cidii soo sheegta ayaa sheegay in Brack Obama Ciddii warbixin ka keenta inay ururka Al-Shabaab siin doonaan abaal marin dhan 10 neef oo Geel ah, sidoo kale wuxuu carabka ku dhiftay ciddii xog ka keenta Hillary Clinton oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka inay iyana siin doonaan 10 Digaagad ah iyo 10 Diiq ah.
“Marna nama baqdin gelinayso lacagaha dowladda Mareykanka ay sheegeen inay siinayaan cidii soo sheegtaSaraakiisa Al-Shabaab” ayuu yiri Fu’aad Shongle oo Al-Shabaab u qaabilsan Wacyigelinta bulshada iyo ku hanuunida dadka hadafka Al-Shabaab.
Dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay hadal ka soo saaraan abaal marin dhawaan Dowladda Mareykanka ay sheegtay in Madoxooda ay ku bixinaynso Sarkiil ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo Saraakiisha madaxooda lacagaha la dul dhigay ay kala yihiin: Axmed Cabdi Aw-Maxamed Godane oo ah aasaasaha Al-Shabaab, Ibraahim Xaaji Jaamac Afgaan , oo ah aasaase Al-shabaab, Madaxa maaliyadda Fu'aaad Maxamed Khalaf, Taliyaha Military-ga Bashiir Maxamed Maxamuud, Madaxa Sirdoonka Zakariya Ismaaciil Axmed Xirsi, Mukhtaar Roboow iyo Cabdullaahi Yare.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|