Somali News
    Hees  

Amisom oo lagu eedeeyay iney dishay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya

Mogadishu Sabti 9 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Amisom oo lagu eedeeyay iney dishay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya

Taliyaha ciidmada amaanka ee Ex kontorol Axmed C/laahi {Axemd yare} oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin ilaa iyo hada cid ka hadashay duqeyn ay ciidmada AMISOM gaar ahaan kuwa Burindi ay u geesteen ciidamada uu hogaamiyo Axmed yare taariqda marka ay aheyd 7-3-2012 waxaana uu intaas ku daray tilyaha in ciidmada AMISOM ay si kas ah u fuliyeed duqeynta.

Axmed yare ayaa waxaa uu sheegay duqeynta ay ciidamada AMISOM u geesteen ay qasaaro ka soo gaartay ciidamadiisa oo 7 askari ay kaga dhawacmeed 3 ka mid ahana ay dhawacyadooda ay halis yihiin.

Ugu dambeyntii ayaa taliyaha waxaa uu codsi u soo jeediayay madaxda dowlada kaasi oo ku aadan in ciidamada AMISOM go.an cade laga keno hadii ay taasi dhici weyso uu sheegay in ay tilaabada ku haboon ay jka qaadi doonaan

Ciidamada Amisom ayaa sidoo kale marar badan waxa lagu eedeeyay iney toogasho kudisho ciidamo katirsan kuwa dowlada oo la howlgala xiliyada dagaalada iyadoo sidoo kalena koox katirsan ciidanka dowlada ay madfac kudilen sanadki hore xili dagaal uu kasocday aagaga siinay ee degmada Yaaqshid.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)