Somali News
    Hees  

Nin u dhashay wadanka Ingiriiska oo lagu maxkamadaynayo dalka Kenya

Mogadishu Khamiis 10 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Nin u dhashay wadanka Ingiriiska oo lagu maxkamadaynayo dalka Kenya

Maxkamad ku taala wadanka Kenya ayaa maanta waxaa hor imaanaya nin u dhashay wadanka Ingiriiska oo lagu eedeeyay inuu gacansaar la leeyahay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada qaadaysa dacwada loo haysto ninkaan Britishka ah oo ku taala magaalada Mombasa ayaa waxaa ay sheegeen in ninkaan oo lagu magacaabo Jermaine Grant oo 29 sanio jir ah loo haysto inuu rag Shabab ka tirsan ku gacan siiyay qarax ka dhacay gudaha wadanka Kenya inkastoo uu asagu dafiray.

Dacwad oogayaasha ayaa Jermaine Grant ku eedeeyay inuu gacan saar la leeyahay Xarakadda Al-Shabab isla markaana uu damacsanaa inuu qaraxyo ka geysto gudaha Kenya.

Sidoo kale war maxkamada ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in ninkaan ay muddo ku socotay baaritaan iyadoona la xiray bishii December ee sanadkii hore maxkamadayntisa lagu wadaa inay maanta dib u bilaabato kadib markii ay shalay dib u dhacday.

Dawlada Kenya waxay dhawr jeer sheegtay inay xir xirtay tiro badan Soomaali ah kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay Al-Shabab ka tirsan yihiin ama ay xiriir la leeyihiin.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)