Somali News
    Hees  

Barlamaanka dalka jarmalka oo ka doodaya mooshin ka dhan ah burcad badeedda

Mogadishu Khamiis 10 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Barlamaanka dalka jarmalka oo ka doodaya mooshin ka dhan ah burcad badeedda.

barlamaanka dalka jarmalka ayaa maanta ka doodaya muushin ka dhan ah kooxaha burcad badeedda soomaalida ah oo ay soo gudbiyeen golaha wasiirada dalka jarmalka.

Muushinkan ayaa ah mid ku wajahan in dowladda jarmalka ay joojinayso howlgalka Atlanta ee bah wadaaga ay kula tahay dowladaha kale iyo in maraakiibta jarmalka waqti kordhin loo sameenayo si ay u sii laba jibbaaraan la dagaalanka burcad badeedda soomaalida oo laf dhuungashay ku noqday wadamada caalamka.

Xisbiyada mucaaradka ah gaar ahaan xisbiyada kala ah Germany's opposition Greens iyo the Left Party ayaa ka soo horjeeda in waqtiga loo kordhiyo ciidamada jarmalka ah eek u sugan xeebaha Somalia kuwaas oo ka qeybqaadanaya howlgalka Atlanta.

Wasiirka difaaca dalka jarmalka Thomas de Maiziere ayaa ka codsaday barlamaanka dalka jarmalka inay Act ka dhigaan oo ay qalinka ku duugaan in waqti loo kordhiyo maraakiibta dagaalka ah eek u sugan xeebaha Somalia .

"Waa inaan walaalaheen reer yurub aan ku taageernaa howlgalka Atlanta waayo waa arin muhiim ah oo ku xeran danaha dalka jarmalka"ayuu yiri wasiirka arimaha difaaca dalka jarmalka.

Dowladda jarmalka ayaa qeyb ka ah howlgalka Atlanta iyadoo maraakiib dagaal u soo dirtay xeebaha Somalia sanaddii 2008 , waxana maraakiibta jarmalku ay ka hortageen weeraro kooxo burcad badeed ah auy damacsanaayeen inay ku qafaashaan maraakiib ganacsi oo marayay biyaha caalamka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)