|
Ehelada lamaanayaal u dhashay dalka koonfur Africa oo Codsi u diray burcad badeedda Soomaalida
Mogadishu Khamiis 10 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ehelada lamaanayaal u dhashay dalka koonfur Africa oo Codsi u diray burcad badeedda Soomaalida.
Ehelada lamaanayaal u dhashay dalka koonfur Africa ayaa waxa ay codsi u direen kooxaha burcad badeedda soomaalida ah kaas oo ku wajahan in xuriyaddooda loo soo celiyo Bruno Pelizzari iyo saaxiibaddiis Debbie Calitz oo kooxaha burcad badeedda soomaalida ah ay afduubteen bishii October 26 , 2010 xilligaas oo ay saarnaayeen doon nuuca dalxiiska ah oo maraysay kanalka Mozambique.
Haweenay la dhalatay Bruno Pelizzari oo la yiraahdo Vera Hecht ayaa warbaahinta dalka koonfur Africa waxa ay u sheegtay in walaalkeed iyo saaxiibtiisa ay noolyihiin xaaladdooda caafimaadna haatanna ay hagaagsantahay.
Haweenaydan ayaa sheegtay inay jiraan xiriiro ay la sameeyeen kooxaha burcad badeedda ah iyadoo sheegtay in kooxaha burcad badeedda ay doonayaan lacag badan oo aan suurto gal ahayn .
"xiriir ayaan la sameenay burcad badeedda , waxana ay doonayaan lacago madax furasho ah in la siiyo "ayay tiri haweenaydan.
Kooxaha burcad badeedda ayaa marar hore waxa ay u sheegeen qoysaska ay ka soo jeedaan lamaanayaashan inay iska bixiyaan lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa $4 million.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|