Somali News
    Hees  

Musharax Gablax oo Xaflad Soo dhawayna usameeyeen Ardada wax kabarata Uganda

Mogadishu Khamiis 10 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Musharax Gablax oo Xaflad Soo dhawayna usameeyeen Ardada wax kabarata Uganda

Musharaxa Jagada madaxtinimada Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Xasan (Gablax) ayaa kasoo dagay gagida diyaaradaha magaalada Kampala ee Entebbe International Airport maalinimadii Isniinta halkaasoo ay diyaar ugu ahaayeen soo dhawayn qiimo badanna ugu sameeyeen jaaliyada reer Puntland ee kudhaqan caasimada wadanka Uganda ee Kampala.

Ardada reer Puntland ee wax kabarata jaamacadaha kala duwan ee wadanka Uganda ayaa habeenkii xalay ahaa waxay u sameeyeen Musharax Gablax xaflad si wayn loo soo agaasimay taasoo ay taageero ugu muujinayaan Musharaxa utaagan xilka madaxwayninimo ee Puntland.

Dadka xaflada kasoo qayb galay ayaa waxaa ka muuqatay qalbi samaan iyo taageero aad ubadan oo ay uhayaan Madaxwaynahooda mustaqbalka dhow Mudane Gablax kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan, boorar iyo sawirada musharaxa.

Ugu horaynba xafalada waxaa aayadaha Qar’aanka Kariimka ah ku daahfuray Tawfiiq Bashiir Nuur Geedi, aayadaha kadib waxaa xaflada si rasmi ah u furay Gudoomiyaha ardada reer Puntland ee Uganda Axmed Maxamuud Siciid halkaasoo hambalyo iyo bogaadin uu uga soo jeediyay Musharaxa uuna uga warbixiyay guud ahaanba ardada reer Puntland ee wax kabarata Uganda.

Intaas kadib waxaa taariikhda Musharax Gablax ka war bixiyay Madaxii Qabanqaabada Xaflada Mudane Cabdiwali Xasan Cali Madoobe asagoo ku dheeraaday wax qabadkii iyo sooyaalkii taariikh ahaaneed ee musharaxa sheegayna in musharaxu yahay nin aqoonyahan ah isla mar ahaantaana leh khibrad sare oo dhanka maamulka ah. Cabdiwali wuxuu sheegay in Mudane Gablax uu ka diyaariyay jaamacadaada Belvin university Cilmiga Diploma of Computer Analysis. Waxaa kale oo uu Musharaxu Diyaariyay Shahaadada Bachelor ka asagoo ku diyaariyay cilmiga Computer Science and Information System kana diyaariyay jaamacada Colorado Technical University ee Carriga Marayka. Musharax Gablax waxuu nasiib uyeeshay inuu ka hantiyo isla jaamacadan shahaada masteraydka asagoo ku bartay Cilmiga Project Planning.

Cabdiwali waxuu qeexay in musharax Gablax yahay shaqsi aan hamuun uqabin xukun hase ahaatee uu doonayo in Puntland uu kasmeeyo isbadal dhab ah iyo nidaam taabo gal ah kaasoo uhorseeda dadka reer Puntland horumar lataaban karo kana dhiga Puntland meel Soomaaliwayn kusoo hirato.

Waxaa asna halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Xaaji Cabdulle oo ah Musharax utaagan xilka madaxwaynenimo ee Soomaaliya asagoo sheegay guud ahaanba in Soomaaliya looga baahanyahay isbadal wayn oo dhan walba ah kaasoo kusalaysan Dimuqraadiyad iyo Sinaan, wuxuuna urajayeeyay Musharax Gablax inuu noqdo ninkii dadka gobolkaas u horseedi lahaa horumar iyo baraare isla mar ahaantaana balaarin lahaa Puntland.

Sidoo kale waxaa hadlay Xildhibaan Cismaan Yuusuf Xaraare oo ka mid ah Xildhibaanada Dawalda Federaalka Soomaaliya kana mid ahaa aas’aasayaashii DGPL ayaa halkaas waxaa uu uga soo jeediyay Musharaxa talooyin wax ku ool ah.

Intaas kadib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Musharax Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Xasan (Gablax), waxaa hal mara kor usara kacay dadwaynihii faraha badnaa ee munaasabada ayagoo isku daray sacab iyo alalaas una muujiyay Musharaxa taageero aad qaali u ah.

Khudbadii Gablax oo ahayd mid aad uruxday qalbiyada dadwaynihii ku sugnaa madasha ayaa ahayd mid aad uqiimo badan isla mar ahaantaana taabanaysay meelo kala duwan.

Musharaxu wuxuu ugu horaynba ummadda reer Puntland uga tacsiyeeyay geeridii kutimid Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dawlada Puntland Marxuum Cabdi Xasan Jimcaale oo ku geeriyooday London asagoo Allah uga baryay Jannatul Fardowsa sheegayna inuu ahaa nin aad uqiimo badan oo reer Puntland tabi doonaan waxyaabaha lagu xasuusan doonana ay ka mid yihiin inuu ahaa shaqsigii qoray dastuurka Puntland.

Gablax ayaa si qoto dheer uga hadlay baahida loo qabo in ay dadku fahmaan wadaniyad waxay tahay (Nationalism) iyo sida ay muhim utahay inaynu uga faa’iidaysano barwaaqooyinka dhulkeena ceegaaga, Musharaxu wuxuu sheegay in ay tahay in dadku wax qabsadaan, Puntland na laga dhigi karo meel barwaaqo ah oo lagu nasto loona guuri karo waayo waxay haysataa dhulkii oo aad uballaaran isla mar ahaantaana wax laga waayi karo aysan jirin haday ahaan lahayd macdantii, shidaalkii, kaluunkii, xoolihii noolaa, beeyadii iyo waliba wax walba oo bini aadam kufaano, waxa kaliya ee loobaahanyahayna ay tahay maamul suuban oo dadka uga faa’iideeya nimcadaas Allah nagu galladaystay.

Sidoo kale Gablax wuxuu aad uga hadlay inay lagama maarmaan tahay in dadka loo helo amni buuxa oo laysku hallayn karo, “wadanka waad ogtihiin amni darraa kajirta, amni darradu waa waxa ugu wayn ee hada Puntland haysta, amniga laguma hanan karo in meel kasta askari tuute qaba la istaajiyo, amni buuxa waxaa dadkeena loogu heli karaa in lasameeyo hay’ad sirdoon, waa in dadka lagu dhex sii daayaa askar dhar cada oo lasocota waxa kasocda dalka gudihiisa askartaasoo xiriir joogta ah la leh ciidamada bilayska ah, dawladdu waa inay meel saartaa mushaarka ciidamada kala duwan ee dalka waayo askarigu mashaqayn karo hadaan mushaar joogto ah loo helin, mushaarna looma heli karo askarta hadii uusan dhaqaale jirin iyo wax soosaar, dadka waa in loo abuura shaqo”

Ugu danbayntii Mudane Gablax ayaa si hufan oo waafi ah uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen ardadu waxaana gabagabadii munaasabada musharaxa loogu duceeyay in Allah ku guuleeyo xilka madaxwaynenimo ee Puntland uuna noqdo Madaxwayne dadka iyo dalkaba u hogaamiya dhanka barwaaqada, nabada iyo horumarka.





Axmed Garaad Maxamed (Faramataan)

+256791822183

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)