|
Iska hor imaad qasaara dhaliyay oo kadhacay magaalada Galkacyo
Mogadishu Khamiis 10 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Iska hor imaad qasaara dhaliyay oo kadhacay magaalada Galkacyo
Iska horimaadkaani u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Puntland iyo maleshiyaad hubaysan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Xaafadda Garsoor ee
Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iska horimaadka uu imaaday kadib markii ciidamada Puntland oo canshuur ka aruurunayo ganacsatada
Xaafadda ay ishortaag ku sameeyeen maleeshiyaadka hubaysan.
Ilaa hada waxaa la sheegay in 3 ruux oo rayid ah ay ku geeriyoodeen rasaasta labada dhinac halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen
sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug oo ay ka kala taliyaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaca falal amni daro oo ay ka mid yihiin
iska horimaadyo toos ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|