|
Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Helsinki, Finland
Helsinki Khamiis 10 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Helsinki, Finland
Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray magaaladsa Helsinki, ee dalka Finland waxaa ugu horreyn hadallo soo dhaweyn & ammaan ka jeediyay xoghayaha guud wasaaradda waxbarashada & dhaqanka ee dalka Finland Jarmo Linden.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadallo qiimo leh ka soo jeediyay C/raxmaan Cali Jiimi oo ah sarkaalka u qaabilsan adeegyada kala duwanaanshiyaha & isku dhaweynta dhinacyada dhaqamada & afafka kala duwan.
Qoreyaashii maanta halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa;-
1. Dr. C/qaadir Cali Boolaay
2. Max’ed Sh. Xassan Nuur
3. Max’ed Xassan Alto
4. Macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan
5. C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”
6. Macallin C/qaadir Ibrahim Jaamac “Camow”
7. Yuusuf Max’ed Daqarre. Ururka saaxiibtimada Soomaalida & Finland.
Kulankan oo sanadkiiba mar lagu qabto ahaana kii siddeedaad ee lagu qabto magaalada Espoo, maktabadda Sello Library, sidoo kalena waxaa maalinta berrito ah kulan la mid ah kii maanta ka furmay Espoo, lagu qaban doonaa ama uu ka dhacayaa Espoon-keskus Enteresse.
Haddaba waxaa iyadna halkaasi hadallo qiimo badan badan ka soo jeedisay madaxa Espoo Sello Library Sunniva Drake, waxaana furitaankii barnaamijkan ee maanta ka soo qeybgalay dad kor u dhaafayay 270 – 300 oo ruux oo isu jirtay qeybaha bulshada








Abdulaziz Xildhiban
xildhiban@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|