|
Burcad badeedda Soomaalida oo afduubtay markab laga leeyahay dalka Greeca
Mogadishu Jimco 11 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Burcad badeedda Soomaalida oo afduubtay markab laga leeyahay dalka Greeca.
Kooxaha burcad badeedda soomaalida ah ayaa afduubtay markab laga leeyahay dalka Greeca balse sitay calanka dalka Liberia .
Markabka la afduubtay ayaa waday shidaal tankiisu ay gaarayso 135,000 oo tan , waxana uu ka soo kicitimatay dalka turkiga , xilliga la afduubanayayna waxa uu marayay meel 300 oo mile u jirta badda Oman.
Shirkadda iska leh markabka la afduubtay ayaa sheegtay in kooxo burcad badeed ah oo saaran labo doon oo ah nuuca dheereeya islamarkaana ku hubaysan AK47s iyo RPG ay weerar ku soo qaadeen markabka , iyagoo durbadiiba la wareegay gacan ku haynta markabka maadaama aysan jirin wax ilaalo ah oo markavbka dul saarnaa.
Nuuca markabka ayaa ahaa MT Smyrni, waxana wararka qaar ay sheegayaan inuu ku soo jeeday xeebaha dalka Somalia .
Inkastoo burcad badeedda soomaalida ah ay ku guulaysteen afduubka markabkan ayaa hadana mudooyinkii damne waxa ay ahaayeen kuwo la kulma guul daro oo laga fashiliyay weeraro badan oo ay qaadeen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|