Somali News
    Hees  


Laba Ruux oo xalay Kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari

Mogadishu Jimco 11 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Laba Ruux oo xalay Kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari
.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen laba nin oo rayid ah.

Labadan nin ee la dilay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen dadka deegaanka waxaana lagu dilay xaafada Laanta Hawada ee magaalada Boosaaso xili ay ka qaxweynayeen mikaahyad halkaasi ku taala.

Ciidamada Puntland oo soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay bilaabeen howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka geystay hase yeeshee ma jirto cid ay u soo qabteen dilkaasi.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho iyana ku soo badanaaya kooxaha dila dadka u shaqeeya Dowladda KMG ah, iyadoo dowladda KMG ah ay maalmihii tagay bilowday inay degmooyinka Gobolka Banaadir ay maalinba mid baarto si loo xasiliyo ammaanka caasimadda Muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)