Somali News
    Hees  

Cabdi Xayi Garaad - Nabadoon Qaali oo ka baxay Soomaalida

Mogadishu Jimco 11 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Cabdi Xayi Garaad - Nabadoon Qaali oo ka baxay Soomaalida

Cabdi Xayi Garaad Cusmaan, waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu qaalisan Soomaalida, kana shaqeyn jiray nabadeenta, dib u heshiisinta iyo is dhex galka bulshada.

Cabdi Xayi waxa uu ku geeriyooday Isbiltaalka Nairobi, 8, may 2012 markii uu dhiig uga furmay madaxa, isagoo ku jirey bilowga 40-ka, waxana uu ka tagay labo caruur ah.

Taariikhdiisa oo Kooban

Markii uu ka dhacay dagaalka sokeeye wadanka Soomaaliya 1991-kii, waxa uu ahaa dhalinyaradii wax barashada ku jirtey ee soo qaxday, waxana u soo galay wadanka Kenya halkaas oo uga gudbay wadanka Ingiriiska uu waxbarashadiisa kasoo dhameystey.

Cabdi Xayi waxa uu dib ugu soo laabtey dalka, si uu uga shaqeeyo nabadeenta iyo dib u heshiisinta, waxana ka shaqeynayay hay’adda xarunta cilmi-baarista iyo wada hadalka (CRD). Qeyb wayn waxa uu ka qaatey in la heshiisiyo bulshooyin is dagaalay.

Ka shaqeyntiisii nabadeenta

Cabdi Xayi Garaad waxa uu ka shaqeyay dib u heshiisino badan oo la dhex dhigay dad ku dagaalamayay Soomaaliya, laakin aniga waxa aan la shaqeyay sanadkii lasoo dhaafay markaas uu ka shaqeynayay sidii loo heshiisin lahaa beelo walaalo ah oo ku dagaalamay goboladda dhexe.

Cabdi Xayi waxa uu isku keenay odayaasha beelaha is dagaalay, isagoo ka dalbaday iney gutaan waajib kooda ah iney joojiyaan dhiiga daadanayo iyo colaadda dadka walaalaha.

Markii danbe waxa uu tagay halkii uu dagaalka ka dhacayay, si uu dagaalkaas usoo afjaro isagoo ku guuleystey.

Dhaxalkii uu ka tagay

Soomaalida waxa ay waysay shaqsi wayn oo Soomaaliyeed, laakiin waxa uu Cabdi Xayi Garaad ka tagay dhaxal leh ku daysasho muhiim ah oo ay tahay inaan sii wadno. Soomaaliya haatan waxa ay u baahan yahay Nabad.

Asxaab Cabdi Xayi Garaad waxa aan ka codsan jirney inuu u tartamo hogaanka Soomaaliya si uu isbadalka hormuud ugu noqdo. Taasi waxa ay ku dayasho inuu ahaa qofka wanaagsan oo ay dadku jecel yihiin, Soomaalinimadane ay ku dheer tahay, ayna dadkuna u hayeen xushmad iyo galgaceel.

Taasi waxa ay ka muuqatey aaskiisa, oo ka soo qeyb galeen qeybaha bulshada Soomaalida oo dhan, kuwaas oo ka muuqatey iney waayeen shaqsi muhiim ah.

Ilaah naxriistiisa jano ha ka waraabiyo. Aaamin, Aaamin. Aaamin.

Maxamed Cabdi Nuur Mascud

mascudmedia@gmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)