Somali News
    Hees  

Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo baaq u jeediyay odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo Muqdisho

Mogadishu Jimco 11 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo baaq u jeediyay odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo Muqdisho

Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa baaq u jeediyay odayaasha dhaqanka Muqdisho uga socda, waxaana shir ay yeesheen ay ka soo saareen bayaan ku socda odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho ayaa wuxuu Goluhu ka dalbaday inay soo xulaan ergo matali karta dadkooda iyo dalkooda isla markaana karti u leh inay iyana soo xulaan Xildhibaanno ka dalka ka saari karta marxaladda adag ee uu ku jiro.

Waxaa kaloo Golaha Sare ee Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ka dalbaday odayaasha dhaqanka iyo ergada soo xuleysa Xildhibaanada Baarlamaanka cusub inay soo xulaan Xildhibaanno muwaadiniin ah oo ka damqanaya dhibaatada dalkooda iyo dadkooda ay ku soo jireen mudad aka badan 21-ka sano.

"Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ah marjaca talada Soomaaliya, waxaa maanta looga fadhiyaa inay badbaadiyaan dalkooda iyo dadkooda ayna soo xulaan Xildhibaanno shacabkooda matali kara" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Dhinaca kale Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa baaq u diray xubnaha iyo shaqsiyaadka ka horjeeda ansixinta dastuurka ee iyagu iimaha u yeelaya meel marinta dastuurka dalka lagu maamulayo, iyagoona caddeeyay in dastuurkaan uu iminka hoos yaallo amaba la hor dhigay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Culumaa'udiinka iyo ahlu caqliga bulshada oo ah aqoonyahanada iyaga oo looga fadhiyo inay dastuurka daraasad ku sameeyaan isla markaana ka saaraan wax kasta oo ka hor imaanaya danaha dadka, dalka iyo diinta Islaamka.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)