|
Dowladda Netherland oo sheegtay in Helicopter looga soo riday xeebaha dalka Soomaaliya.
Mogadishu Jimco 11 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Netherland oo sheegtay in Helicopter looga soo riday xeebaha dalka Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Netherland ayaa sheegtay in diyaarad helecoter ah oo dowlad Netherland ay leedahay taas oo ka qeybqaadanaysay howlgalka Atlanta lagu soo riday xeebaha wadanka Somalia.
Afayeen u hadlay Wasaaradda ayaa sheegay in diyaaradda helicopterka ah ee la soo riday nuuceedu uu ahaa HMS Van Amstel taas oo caawinaysay maraakiibta dagaalka ah ee dowladda Netherland ka jooga xeebaha Somalia.
“Waxa ay doonaysay inay duulimaad gasho balse waxaa haleelay gantaal laga soo tuuray dhulka oo aan garanaynin dhinaca laga soo riday “ayuu yiri afayeenkan u hadlay wasaaradda difaaca dalka Netherland , isagoo intaasi sii raacsiiyay inay wadaan baaritaano arintaasi ku aadan.
Dowladda netherland ayaa qeyb ka ah dowladaha ka qeybqaata howlgalka Atlanta ee ka dhanka ah burcad badeedda soomaalida , Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda lagu soo riday helicopterka ay leeyahay dalka Netherland
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|