|
Madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed oo wafdi uu hogaaminayo ay
ku suganyihiin dalka Ugandha ayaa qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula
kulmay Madaxweyne Uweri Museveni
Mogadishu Sabti 12 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed oo wafdi uu hogaaminayo ay
ku suganyihiin dalka Ugandha ayaa qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula
kulmay Madaxweyne Uweri Museveni.
Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayey labada Madaxweyne ka
wada hadleen xiriirka Labada dal iyo sidii loosii adkeynlahaa guullaha
ay wadajir usoo hooyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab
ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo wafdiga Madaxweynaha ka mid ah ayaa
sheegay in Madaxweynaha Dowlada KMG Shariif Sheekh Axmed uu uga mahad
celiyey Madaxweynaha Ugandha tababarrada gudaha dalkaasi lagu siiyo
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayadoo sidoo kalena labada
Madaxweyne ay ka wada hadleen sidii tababaradaasi loosii wadi lahaa.
Dhinaca kalena Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo uu wehliyo
Kuxigeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen
Carab Ciise ayaa kormeer ku tegay xerada Kamamka ee duleedka magaalada
Kampala halkaasi oo ay ku jiraan ku dhowaad Kun Askari oo ka mid ah
Ciidammada Xoogga
Dalka Soomaaliyeed,dhowaanna tababarkoodii loosoo xiray Waxaana uu
Madaxweynuhu mid mid uga wareystay Ciidammadaasi xaaladooda isagoo
sidoo kalena u jeediyey Khudbad dardaaran ah oo uu ugu muujiyey
Mas’uulliyadooda ka saaran iney dadkooda ka xoreeyaan cadawga
Al-Qaeda.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale la filayaa in
maalinnimada berri ah uu la kulmo Ardayda Soomaaliyeed ee waxka barata
Jaamacadaha dalkaasi, ganacsatada iyo guud ahaanba Jaalliyadda
Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ugandha.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|