|
La haystayaal Hindi ah ee gacanta ugu jirta Kooxo Burcad badeed
Somaliyeed ayaa Noloshooda laga deerinayaan ku dhawaad mudo hal sano
oo afduub logu haystay Xaradheere
Mogadishu Sabti 12 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

La haystayaal Hindi ah ee gacanta ugu jirta Kooxo Burcad badeed
Somaliyeed ayaa Noloshooda laga deerinayaan ku dhawaad mudo hal sano
oo afduub logu haystay Xaradheere.
Ilaa 7 ruux oo badmaaxiin Hindi ah oo mudo 10 bilood afduud logu
haystay duleedka degmada Xaradheere ee Gobalka Mudug ayaa xaaladooda
caafimaad laga dayrinayaa ka dib markii sida la sheegay waqti dheer
afduub logu haystay Somaliya
Dadkan Hindida oo la socday markab oo ay leeyadahay shirkad
kaluumeyso oo wadankaasi ku taala ayaa ka codsaday dowladooda iyo
madaxda shirkada ay u shaqeeyaan in ay ka badbaadiyaan malayshida ku
haysata Somaliya oo ay ku tilmaameen in ay dhibaato joogto ah oo aan
loo dulqaadan Karin in ay kala kulmaan.
Bazal Sing oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta afka somaliga ku
hadashay ayaa sheegay in habeen meel cusub lagu haayo maalintii
masaafo dheer la cararsiiyo qorina madaxa looga haayo jir dilna mar
walba loo geysto.
Ku dhawaad ilaa 20 markab iyo in ka badan 200 oo badmaaxiin ah ayaa
gacanta ugu jira kooxaha burcadbadeeda Somalida iyadoo qaar ka mid ah
maraakiibtaas iyo dadka saran muda laba sano lagu haysto degaano ka
tirsan Somaliya gaar ahaan Gobalada Dhexe iyo qeybo ka tirsan Gobalada
Puntland.
Kooxaha burcadbadeeda somalida ayaa sanadahi ugu dambeeyay waxaa ay
afduubyo ka geesanayeen gudaha iyo meelo ka baxsan biyaha Somaliya
iyadoo markabkii ugu dambeyay ee laga leeyahay wadanka Gariiga
dabayaaqadii todobaadkii dhamaaday ay ka soo afduubteen meel 600 KM u
jirta biyaha wadanka Cumaan.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|