Somali News
    Hees  

Kooxo Hubeysan oo dad shacab ah ku dilay duleedka degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe

Mogadishu Sabti 12 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxo Hubeysan oo dad shacab ah ku dilay duleedka degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe.

Waxa habeen barki xalay dil toogasho ah loo geestay laba kamid ah dad socoto ah oo saarnaa gaari xamuul oo usoo socday magaalada Muqdisho kaasi oo marayay nawaaxiga halka loo yaqaano Burka Cisaley ee degmada
Warsheekh.

Dilka labada nin ayaa yimid ka gadaal marki dableyda ay si toos ah ugala dageen gaarigi ay saarnaayeen kadibna ay toogasho bareer ah ku dileen, sidaana waxa xaqiijay goob joogayaal saarnaa gaariga lagala degay raga ladilay.

Dableyda ayaa ka baxsatay goobta marki ay fuliyeen dilka iyadoo sidoo kalena aaryo bixiyay lugihi gaariga xamuulka ay saarnaayeen dadki socotadada ahaa.

Qaar kamid ah dadki saarnaa gaariga ayaa usuura gashay iney soo helaan gaari kale oo xamuul oo marayay meel udhaw goobta shaqaaqada kadhacday kadibna waxey ku guuleesteen in ragi ladilay meydkooda ay gaarsiyaan
xarunta degmada Warsheekh.

Waxa si dhab ah loo ogeyn sababihi dhalinyaradaan hubeesana ay dilka bareerka ah ugu geesteen dadkaani, Hasa yeeshe beelaha Soomaaliyeed ayaa ka siman colaadaha la xiriiro xowla dhaqashada iyo beeraha.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)