|
Askari ka tirsan Ciidamada Uganda ee AMISOM oo Maxkamadi ku xukuntay hal sanno oo xarig ah
Mogadishu Sabti 12 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Askari ka tirsan Ciidamada Uganda ee AMISOM oo Maxkamadi ku xukuntay hal sanno oo xarig ah.
Wararka aanu ka helayno dalka Uganda ayaa sheegaya in mid ka mid ah Ciidamada Uganda oo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka howlgalaaya dalka Soomaaliya ayaa maxkamad ku taal dalkaasi ku xukuntay hal Sanno oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ii bsday rasaas.
Askariga u dhashay dalka Uganad ayaa qirtay in wiil Soomaaliyeed uu ka iibiyay rasaas dhan 35-xabbadood oo rasaas ah 24-kii bishii Maarso ee sannadkan, waxayna maxakamada qaadaysay dacwada loo haysto askarigaasi ku xukuntay hal sano oo xabsi ah.
Waxaa askarigaasi lagu eedeeyay inuu ku guul dareystay inuu ilaaliyo hubkii loogu talogalay inuu isku difaaco isaga, hase yeeshee qareenada u doodaya askarigaasi ayaa ka dalbatay maxkamadda in la horkeeno maxkamadda guddiga anshaxa ee dambiga ku helay askariga, si ay uga hor-caddeeyaan maxkamadda, balse taas waa la diiday.
Marion Benibella oo ah qareenka u doodaayay askarigaasi ayaa isna ku guuldaraystay in maxkamadu maqasho dalabkiisa, iyadoo xukunka askarigan uu yahay kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qaado askari ka tirsan Ciidamada AMISOM, iyadoo horay Soomaalidu u qabtay in askarta AMISOM qaar ka mid ah ay iibsadaan rasaasta ay ku difaacayaan naftooda.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|