Somali News
    Hees  

R/wasaare C/weli Oo Hadalkii Puntland ku Tilmaamay Fikir Iyaga U Gaar Ah

Mogadishu Sabti 12 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Somalia, C/wali Gaas ayaa ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Maamulka Puntland fikir iyaga u gaar ah, isla markaana waxa uu ku nuux nuuxsaday Ra’iisul Wasaaruhu inuusan hadalkaasi waxba u dhimi Karin Geedi socodka Road Map-ka.

Ra’iisul Wasaare Gaas oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sidoo kale
sheegay in qorshe hawleedka RoadMap-ka uu marayo meel wanaagsan, Wuxuuuna Ra’iisul Wasaaruhu intaasi ku daray in Road Map-ka ay ka
go’antahay Dawladda Somalia fulintiisa.

Mr Gaas-Ra’iisul Wasaaraha KMG ah ee Somalia, waxa uu dhinaca kale sheegay inay meel wanaagsan marayso Qorshaha ansixinta Dastuurka Qabyo Qoraalka Somalia, haatana ay Odayaasha Dhaqanku ku hawlan yihiin xulista Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)