Somali News
    Hees  

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Haweeynay xalay ku dilay deegaanka Hosingow ee gobolka J/hoose

Mogadishu Axad 13 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Haweeynay xalay ku dilay deegaanka Hosingow ee gobolka J/hoose.

Haweenay ganacsato ah ayay Maleeshiyaadka Al-Qaacidada Soomaaliya ku dileeen deegaanka Hosingow ee gobolka J/hoose sida ay sheegayaan wararka aanu deegaankaasi ka helayno, iyadoo la sheegayo in haweenaydaasi la dilay xalay xilli ay ku soo jeeday gurigeeda.

Haweenayda la dilay ayaa la sheegay inay ka mid ahayd ganacsatada yaryar ee deegaanka Hosingow, iyadoo kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen haweeneydaasi sidaasna ay ku geeriyootay.

Wararku waxa ay sheegayaan in haweeneydaas ay ahayd hooyo shan caruur ah dhashay, waxaana dilkeeda ka dambeeyay kooxo ka tirsan ururka Al-Shabaab sida uu sheegayo mid ka mid ah dadka degaanka oo sababo nabadgelyo awgood diiday in magaciisa la sheego.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in dilka haweenaydaasi ay u sababeenaayaan iyadoo wax ka iibsatay ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, taasi oo ka yaabisay dadka deegaankaasi, islamarkaana cabsi ku abuurtay falkaasi naxariis darada ah.

Dhanka kale ma aha markii ugu horeysay oo Shabaabku dilaan dad ganacsanaaya, iyagoo dilka dadka rayidka ahna u samaynaaya marmarsinyo ay ku banaysanaayaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ee 100 % Muslinka ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)