|
Man City oo Aakhirkii Horyaalka Ingiriiska 2011-2012 Galabta Ku Qaaday
89 dhibcood
Mogadishu Axad 13 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Man City oo Aakhirkii Horyaalka Ingiriiska 2011-2012 Galabta Ku Qaaday
89 dhibcood ka dib Markii ay 6 Gool ka dheeraatay Kooxda Man Utd oo
ay isku Dhibco Noqdeen
Iyadoo Maanta ay Ku Madlaneyd Maalinta Gaba Gabada u ah Horyaalka
Ingiriiska 2011-2012 ayaa waxaa La ciyaaray Meertadii 38 ee Horyaalka
Ingiriiska,waxaana Kulmada indhaha Goonida ah Lagu hayay ka mid ahaa
Midka Lagu Kala qaadayay Hanashada Horyaalka Ingiriiska 2011-2012 oo u
dhaxeeyay 2 naadi ee isku Magaalada ka wada dhisan ee Man City vs Man
utd oo kala heystay Min 86 dhibcood balse Xaga Goolsha ay 8 Gool ku
hayeen Kooxda man city inta aysan dhicin Ciyaartii Maanta.
2 Kooxood waxa ay la kala Ciyaarayeen Kooxaha QPR iyo Sunderland
iyadoo Kooxda Man city ay marti Galisay Kooxda QPR oo ka Carareysay
Heerka 2,Halka Man Utd ay Booqatay Kooxda Sunderland.
Kulankii Man city iyo QPR oo ahaa mid adag waxaa qeybtii Hore Gool u
dhaliyay Man City Ciyaaryahanka Difaaca ah ee u dhashay Arjantiin
Zabaleta Daqiiqadii 39aad iyadoo lagu kala nastay Goolkaasi ay Ku
Horeeyeen Man City.
Qeybtii Danbe Markii la Isagu soo Noqday Kooxda QPR waxa ay heleen
Goolkoodii 1 waxaana u dhaliyay Cisse oo Faransiiska u
dhashay,daqiiqadii 48aad,daqiiqadii 64 waxaa goolkii 2 u dhaliyay QPR
Ciyaaryahan J. Mackie,Waxaana Xaalada Ciyaartu ay noqotay Mid Cirka
isku shareerta,Iyadoo Kooxda Man City ay neef ka soo booday daqiiqadii
90 oo Gool Muhiim u ahaa oo Hadii xitaa sidasi ay kud haamato Ciyaarta
ay ku qaadayeen Koobka Horyaalka Ingiriiska 2011-2012 uu u dhaliyay
lambarka 10 Weeraryahanka Reer Bosnia Dzeko,waxana farxad darteed isal
daqiiqadaasi goolkii 3 qalinka Ku duugay Xidiga da da yar Sergio
Aguero oo Markiiba Qaatay calamada Hurdiga ah,sidaa bayna ku
dhamaaatay Ciyaartaasia adka u adkeyd Iyadoo Markii Ugu Horeysay ay Ku
guuleysatay Horyaalka Ingiriiska 2011-2012 Kooxda Man City ee Uu
Macalinka u yahay Tababare Mancini oo ah macalin u dhashay Talyaaniga.
Kooxda Man Utd oo diFacan weyday horyaalka isla markaan Janis weyn
laheyd ilaa daqiiqadii 90 Ciyaarta u dhaxeysay Man City vs QPR ayaa ku
badisay 1-0 ay ku suuldareen Kooxda Sunderland waxaana Goolka u
dhaliyay qeybtii hore Rooneey iyado Fursado muhiima ay ka qasaariyeen
Kooxda qaar ka mida Ciyaartoyda naadigaasi
Labada Kooxood ee Man City iyo man utd ayaa Goolal ku Kala qaaday
horyaalka Ingiriiska 2011-2012 waxaana Man City ay Ku Qaaday 89
dhibcood iyo 8 Gool oo nadiif ah oo ay ka sareysay Man Utd oo iyadana
keentay 89 dhibcood.
KOoxda Arsenal aaya Difaacatay Kaalinteeda 3 ka dib markii ay 2-3 Uga
Badisay Kooxda ay martida u aheyd ee WestBromwich,Waxaana Arsenal ay
leedahay 70 Dhibcood,Halka Kaalinta 4 ee Loogu Soo Baxayay Championka
soo socda ee 2012-2013 ay Ku Cariirsatay 69 dhibcood Kooxda Totenham
oo 2-0 uga badisay Kooxda Fulham,waxaana 2 Gool u dhaliyay Totenham
Adebayor Daqiiqadii 2 iyo Defoa Daqiiqadii 63aad.
Kooxda Newcastle ayaa kaalinta 5 Ku jirta Ka dib Markii everton oo ay
Booqatay ay uga badisay 3-1 waxaana ay leedahay kuna soo xirtay
Horyaalka 65 dhibcood.
Kooxda Everton oo 3-1 uga badisay Newcastle Kulankeedii Galabta ee Ugu
dambeeyay aya heysata 56 dhibcood waxaana ay ku Jirtaa Kaalinta 7aad.
Kaalinta 6 waxaa gashay Chelsea oo leh 64 dhibcood,waxaana Galabta ay
uga Badiyeen 2-1 Koxda martida u aheyd kuna laabatay heerka 2 ee
Blackboarn Goolsha waxaa u dhaliyay Chelsea terry Daqiiqadii 31 iyo
Meirales daqiiqadii 34,Goolka Madiga ah e Blackboarn waxaa dhaliyay
qeybtii danbe Daqiiqadii Yakuba Weeraryahanka Reer Neyjeeriya.
Swansea ayaa 1-0 Ku sagootisay Liverbool waxaana Goolka Guusha u
dhaliyay Daqiiqadii 86 D.Graham.Kooxda Liverbool oo Mudooyinkaan Daala
dhaceysay waxa ay leedahay kuna soo qatintay Xili Ciyaareedkaan 52
dhibcood Iyadoo Horyaalkana ka gashay Kaalinta 8.
Waxaa U Laabtay Heerka 2 Xili Ciyaareedka soo socda ee 2012-2013
Kooxaha Wolverhamton oo leh 25 dhibcood, Blackbourn R. oo leh 31
dhibcood iyo Bolton oo leh 36 dhibcood ka dib markii ay Galabta ka
Badin weysay Kooxda Stoke City oo ay Marti ugu aheyd Gurigooda.
Kooxaha QPR iyo Aston Villa ayaa badbaaday waxaana Galabta ka badiyay
Kooxaha Man city iyo Norwich C, oo uga Kala Badiyay 3-1 iyo 2-0
waxaana ay kala galeen Kaalinta 17 oo ay Gashay Kooxda QPR oo leh 37
dhibcood iyo Aston Villa oo gashay Kaalinta 17 hesheyna 38 dhibcood.
Gooldhalinta waxaa ku qaaday 29 Gool Roben Van.persie oo u Ciyaara
Kooxda Arsenal,Kaalinta 2 waxaa Ku Galay 27 Gool Rooney oo u safta
Kooxda Man Utd,Halka Kaalinta 3 uu Galay Aguerro oo u Ciyaara Man city
isagoo dhaliyay 23 Gool.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|