Somali News
    Hees  

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir: "Shacabkii deganaa in laga kiciyo, islamarkaana la siiyo Hay'addo gaar ah, taasi ma aqbali karno.."

Mogadishu Isniin 14 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gudoomiyaha Gobolka Banaadir: "Shacabkii deganaa in laga kiciyo, islamarkaana la siiyo Hay'addo gaar ah, taasi ma aqbali karno.."

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa ka digay in hay’ado gaar ah la dejiyo goobihii waxbarashada ee dhawaan laga saaray dadkii shacabka ahaa ee deganaa mudada dheer.

Mr. Tarsan ayaa sheegay in dadaal dheeri ah ay ku bixiyeen in dadka shacabka ah laga saaro goobihii ay laheyd dowladdii dhexe, hase yeeshee waxaa uu tilmaamay inaan la aqbali karin in dadkii degenaa laga saaray la siiyo hay’ado gaar ah iyo shaqsiyaad.

"Ma aqbali keryno intaan ka saarnay shacabkii deganaa la siiyo hay’ado gaar ah iyo shaqsiyaad"ayuu si kulul u yiri Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" gudoomiyaha Gobolka banaadir.

Hadalkaan ayuu gudoomiyaha ka jeediayay kulan looga hadlaayay amaanka magaalada Muqdisho oo shalay ka dhacay xarunta gobolka banaadir kaasoo ay ka soo qeyb galeen gudomiyaasha degmooyinka Gobolka banaadir iyo wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka.

Dhinaca kale Warar hoose ayaa sheegaya in Wasaarada Tacliinta ay doonayso in Dhismaha dadka rayidka ah laga saaray ay kuwareejiyaan Hay’adaha iyo shaqsiyaad si ay daqli ugu helaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)