Somali News
    Hees  

Sarkaal Alshabaab ka tirsanaa oo Mareykanka kala shaqeenaaya Maxkamadeynta Rag argagixisada Somaliya ka dhinac dagaalamay

Mogadishu Isniin 14 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Sarkaal Alshabaab ka tirsanaa oo Mareykanka kala shaqeenaaya Maxkamadeynta Rag argagixisada Somaliya ka dhinac dagaalamay

Sida lagu daabacay wargeyska Newyork times Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka mid ahaa horjoogayaasha malayshiyada Al-shabaab uu billaabay inuu kala shaqeeyo sidii ugu marqaati furi lahaa in ka badan 30 ruux oo taageeray iyo kuwa u dagaalamay Al-shabaab.

Sarkaalkan oo magaciisa ay ku sheegeen saraakiil Mareykan ah Axmed C/qaadir Warsame ayaa lagu sheegay inuu goobjoog ka noqday dacwad lagu soo oogay Maxamed Ibraahim Axmed oo u dhashay wadanka Eritariya ayaa ku eedeysan inuu taageeray Al-shabaab.

Max,ed Ibraahim Axmed ayaa lagu qabtay wadanka Naijeriya halkaas oo su,aalo dhinaca argagixisa lagu weydiiyay ka dib markii loga shakiyay in uu ka tirsanaa malayshaadka Alshabaab.

Karen J. Greenberg oo ah sarkaal Mareykan ah ayaa ku tilmaamay arrintan mid guul leh, isagoo sheegay in haddii aad haysato dadkii dagaallada ka qaygalay ama goob-joog ka ahaa tababarrada iyo sida firkirka loo faafiyay ay noqon karto inaad guul ka gaarto fikirkaaga.

Ruuxan la sheegay inuu Malayshaadka Al-shabaab kasoo mid noqday ayaa la sheegay in la geyn doono maxkamadaha ay ka socdaan dacwooyinka ka dhanka ah dadka loo haysto oo ku taal Degmada Manhantal inay Al-shabaab dhaqaale ku taageereen ama u soo dagaalameen si uu ugu marqaati kaco.

Mareykanku waxay sheegeen in sarkaalka Al-shabaab ka tirsanaa uu caddeeyay in Axmed iyo koox saaxiibbadii ah ay u duuleen Soomaaliya sannadkii 2009 ayna ka qaybgaleen dagaallo dhacay.

Sirdoonka Mareykanka ayaa waxay dacwado ku aaddan inay gacan siiyeen ama u dagaalameen Al-shabaab u haystaan dhowr qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ku jiraan haween.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)