Somali News
    Hees  

Maamulka Madaxweyne Obama oo kordhinaya qorshaha lagu taageerayo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga, tababarna siinaaya ciidamo dheeraad ah oo lagu kordhiyo AMISOM

Mogadishu Isniin 14 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maamulka Madaxweyne Obama oo kordhinaya qorshaha lagu taageerayo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga, tababarna siinaaya ciidamo dheeraad ah oo lagu kordhiyo AMISOM.

Waaxda arrimasha dibbada wadanka Maraykanka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay inay ururka midawga Africa u tababarayso ciidamo dheeraad ah oo ku biira ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka hawlgala.

Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa wadanka Maraykanka ayaa war bixin uu qoray oo uu ka soo xigtay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Madaxweyne Obama uu kordhinayo qorshaha lagu taageerayo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga isla markaana midawga Africa loo tababarayo ciidamo dheeraad ah oo lagu kordhiyo ciidamada AMISOM.

Warku waxaa uu sheegayaa in xukuumadda Washington ay balan qaaday in gudaha wadanka Uganda ay ku tabnabarto ciidamop gaaraya illaa iyo 3,500 oo askari kuwaasoo qorshuhu yahay in Soomaaliya loo soo daabulo marka ay tababarkooda dhameystaan sida warka ku qoran.

Ciidamadaan la tababarayo oo badankood u dhashay wadanka Uganda haddana waxaa ku jiri doono ciidamo kale oo ka socda wadamada ku yaboohay inay Soomaaliya ciidamo u soo diraan sida: Jabuuti , Burundi, iyo Sierra Leone.

Maraykanku waxaa uu ka mid yahay wadamada sida weyn u taageera howlgalka ciidamada midawga Africa ka socda ee AMISOM ee dawlada KMG ee Soomaaliya ku taageera dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)