Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif oo looga yeeray shir Golaha ammaanka ka yeelanaayo arrimaha Soomaaliya

Mogadishu Isniin 14 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Shariif oo looga yeeray shir Golaha ammaanka ka yeelanaayo arrimaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigii uu hoggaaminaayay ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la sheegayaa in madaxweynaha iyo wafdigiisa in looga yeeray dalka Maraykanka.

Wararku waxa ay sheegayaan in madaxweynaha iyo wafdigiisa inay halkaasi uga qeyb galayaan shir ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeelanaayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa magaalada Kampalakulamo kula soo qaatay Madaxweynaha dalkaasi iyo iyo Ciidamo Soomaaliyeed oo halkaasi tababaro Military halkaasi loogu soo xiraayay, iyadoo madaxweynaha iyo Wafdigiisa kala hadlay Madaxweynaha Uganda xiriirka Labada dowladood, Iskaashiga dhinaca ciidammada iyo arrimo kale.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in madaxweynaha iyo wadiga uu horkacaayo inay saacadaha soo socda gaaraan dalka Maraykanka, iyadoo wafdiga madaxweynaha ay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ku sii sagootiyeen masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)