|
Midawga Yurub oo sheegay inuu ka soo horjeedo in waqtiga loo kordhiyo dawlada KMG ah
Mogadishu Talaado 15 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Midawga Yurub oo sheegay inuu ka soo horjeedo in waqtiga loo kordhiyo dawlada KMG ah.
Iyadoo uu waqti kooban ka harsan yahay xilliga uu ku egyahay waqtiga dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa ururka midawga Yurub waxaa uu kasoo horjeestay in dawladu ay samaysato waqti kordhin.
War saxaafadeed ka soo baxay golaha ururka midawga Yurub u qaabilsan arrimaha dibbadda laguna qoray wakaaladda wararka KUNA ee dalka Kuwait wararka u faafisa ayaa waxaa lagu sheegay in Midawga Yurub uusan u dulqaadanayn in dawlada KMG ee Soomaaliya ay waqti kororsato taasoo aan xilligaan shaqeynayn.
Midawga Yurub waxaa uu ugu baaqay madaxda dawlada Soomaaliya inay qaadaan tilaabo kastan oo sahli karta inuu isbadal dhaco marka la gaaro 20 bisha August ee sanadkaan.
"Midawga Yurub wuxuu diidan yahay in la kordhiyo waqtiga dawlada KMG ee Soomaaliya waxayna qeyb ka tahay go’aanadii shirkii London ka dhacay bishii February waana in la sameeyaa dadaal kasta oo looga baxayo xilliga KMG ah" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay golaha arrimaha dibbadda u qaabilsan midawga Yurub.
Sidoo kale Midawga Yurub waxaa uu taageero u miijiyaya shirarka ka kala dhacaya Turkiga iyo Talyaaniga bilaha June iyo Jully ee sanadkaan
Marka la gaaro bisha August ee sanadkaan waxaa la filayaa in dalka ay dhacaan doorashooyin lagusoo dooranamayo madaxda dawlada cusub ee dalku yeelanayo iyadoona lagabaxayo xilliga KMG
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|