Somali News
    Hees  

Burcad badeeda Sooomaaliyeed oo ku hanjabay inay leyn doonaan la haystayaasha gacanta ugu jira

Mogadishu Arbaco 16May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Burcad badeeda Sooomaaliyeed oo ku hanjabay inay leyn doonaan la haystayaasha gacanta ugu jira

Nin sheegtay inuu ka tirsan yahay kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed magaciisana ku sheegay Cabdi ayaa qadka taleefoonka ugu sheegay wakaladaha wararka caalamka inay wada leyn doonaan la haystayaasha ay gacanta ku hayaan hadii mar kale la isdku dayo in lagu soo qaado weerar la mid ah kii shalay lagu qaaday meel u dhaw xeebaha degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Cabdi waxaa uu sheegay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka soo gaaray weerarkii ay shalay ciidamada badda Midawga Yurub ku qaadeen goob ay burcad badeed Soomaaliyeed ku sugnaayeen hase ahaatee waxaa uu sheegay inay bur bureen 4 doonyood oo ay burcad badeedu lahaayeen waxaana uu intaa ku daray inay qof qof u dili doonaan la haystayaasha ay gacanta ku hayaan haddii mar kale la isku dayo in weerar lagu qaado sida uu yiri.

"Waxaan uga digayaa kuwa biyaheena ku sugan inay isku dayaan inay weerar nagu soo qaadaan haddii kale waa ay ka shalaynayaan" ayuu yiri ninkaasi sheegtay inuu burcad badeeda ka tirsan yahay ee magaciisa ku sheegay Cabdi.

Cabdi waxaa uu tilmamay in doonyaha laga bur bnuriyay ay mag dhaw ka rabaan islamarkaana ay u caqaabi doonaan cid kasta oo u dhalata wadamada Yurub ee ay qabtaan.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ayaa shalay duqeyn ay ka geystay xeebaha degmada Xarar dheere ay ku bur burisay doonyo la sheegay inay burcad badeeda leeyihiin waxaana uu ururka midawga Yurub sheegay inay sii wadayaan howlgaladaan oo kale.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)