|
MSF oo wax ka badashay Howlahii gargaarka caafimaad ee ay ka bixisa Galgaduud
Mogadishu Arbaco 16May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

MSF oo wax ka badashay Howlahii gargaarka caafimaad ee ay ka bixisa Galgaduud
Hay'adda MSF waxay sameysay go’aan adag oo ah inay xirto
mashruucyada degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Xiin-dheere kuwaasoo la
furay sanadihii 2006-dii iyo 2008-kii.
dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF waxay sidoo kale waxaa intaas
dheer in wax laga badali doono taageerada ay siiso isbitaalka
Istarliin ee degmada Guricel.
"Xaaladda ammaanka ee degmooyinkan oo sii xumaaneysa ayaan u fasixi
Karin MSF inay howlgalkeedi u sii wado sidii caadiga ahayd ee ay
kormeeridda ku sameyn jireen shaqaalaha caalamiga ah oo caawinaya kuwa
maxaliga ah," ayuu yiri Bertrand Parrochet oo ah madaxa hay’adda MSF
ee mashruucyada Soomaaliya.
"Laakiin waxaan rajeyneynaa in shaqaalaheenna sida fiican u tababaran
ay dadka deegaanka u sii wadi karaan bixinta adeeg asaasi ah ee
caafimaadka oo heer sara ah," ayuu mar kale yiri madaxa mashaariicda
MSF ee Soomaaliya.
Sanadihii la soo dhaafay hay'adda MSF waxay si weyn u maal-gelisay
tababarka ay siiso shaqaalaha isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel
iyo bixinta adeegyada caafimaad ee casriga ah ee meel fog laga hago
iyadoo la adeegsanaayo qalabka lagu wada xiriiro.
"Iyadoo la isticmaalayo qaabka cusub ee ismaamul ah shaqaalaha
caalamiga ah ee MSF waxay la-talin caafimaad bixin doonaan iyagoo goob
fog ku sugan; waxayna sidoo kale caawin doonaan shaqaalaha maxaliga ee
ka howlgala isbitaalka Istarlin," ayaa lagu yiri warbixin ay soo
saartay MSF.
Hay'adda MSF waxay si joogta ah uga shaqeynaysay dalka Somalia tan iyo
sanadkii 1991di. MSF waxay ku tiirsan tahay deeqaha shakhsiyaadka ay
bixiyaan si ay u maal-gelisa howlaheeda Soomaaliya, iyadoo an wax-deeq
ah ka qaadanin dowladaha.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|