|
QM oo ka digtay inay dib u dhac ku timaado doorasho Soomaaliya ka dhacda marka la gaaro bisha August
Mogadishu Arbaco 16May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

QM oo ka digtay inay dib u dhac ku timaado doorasho Soomaaliya ka dhacda marka la gaaro bisha August.
War murtiyadeed ka soo baxay shirkii ay golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda dawlada Soomaaliya looga digayo inay dib u dhigaan doorashooyinka madaxtinimo marka la gaaro bisha August ee sanadkaan.
Warkaan ka soo baxay golaha amaanka ee Q,M waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay ka walaacsan tahay inuu dib u dhac ku yimaado in Soomaaliya ay doorasho ka dhici wayso isla markaana ay jiraan qodobo badan oo aan dawladu ku guul daraysatay inay wax ka qabato kuwaasoo ahaa go’aanadii ka soo baxay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkaan.
"Waqtiga dawlada wuu uu ku socdaa dadaaladana siyaasadeed ee dawladu wadana waxaa ay marayaan marxalado adag" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M.
Safiirka dawlada Maraykanka u fadhiya Q,M haweenayda la yiraahdo Susan Rice oo kulankaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in dib u dhac ku yimaada in doorasho dhacdo bisha August ay tahay wax aan la aqbali Karin
Susan Rice waxaa ay tilmaamantay in inkastoo ay dawladu ay guulo ka gaartay amaanka dalka haddana loo baahan yahay in la qaado tilaabooyin siyaasadeed oo muhiim ah si looga baxo xilliga KMG waxaana ay intaa ku dartay in xilligaan aysan aqbali Karin in waqtiga dawlada KMG la kordhiyo.
"Dib u dhac kasta iyo waqtigu dhamaado waa wax aan loo dulqaadan doonin waana in la sameeyaa dadaal klasta oo looga gun gaarayo in ku meel gaarnimada laga baxo" ayay tiri Susan Rice oo dawlada Maraykanka u fadhisa Q,M.
Safiirka dawlada Faransiiska u fadhiya Q,M Gerard Araud iyo ku xigeenka safiirka Ingiriiska ee Q,M Philip Parham ayaa iyaga tilmaamay in lo baahan yahay in todobaadyada soo socda la fuliyo qodobo dhawr ah kuwaasoo muhiim u aha fulinta qorshaha tubta nabadda ee Road-Map,ka la yiraahdo.
Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjira Augustine Mahiga iyo M/weyne Sh, Shariif Sh, Axmed ayaa sheegay in dawladu u baahan tahay dhaqaale ay ku fududeyso waxyaabaha looga baahanyahay ka hor inta aan la gaarin bisha August ee sanadkaan.
Ururka Midawga Yurub ayaa dhawan sheegay inay iyana ay ka soo hor jeeedaan in dawladu waqti kororsi samaysato.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|