Somali News
    Hees  

Axmed Ceydiid Ibraahim : "Warka ka soo yeeray Gudoomiyaha G/Banaadi waa been aan sal lahayn..."

Mogadishu Arbaco 16May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Axmed Ceydiid Ibraahim : "Warka ka soo yeeray Gudoomiyaha G/Banaadi waa been aan sal lahayn..."

Wasiirka Waxbarashada Dowlada KMG Soomaaliya Axmed Ceydiid Ibraahim ayaa jabaab ka bixiyay eedeyn dhawaan kaga timid dhanka Gudoomiyaha G/Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaasoo ahaa in wasaaradaasi ay shaqsiyaad iyo hay'ado dejisay dhismayaasha danta guud ee dadka laga saaray.

Axmed Ceydiid Ibraahim waxa uu beeniyay in guryaha danta guud ee laga saaray dadka ay Wasaaraddiisu ka kiraysay Hay’ado iyo shaqsiyaad gaar ah, wuxuuna wasiirku sheegay inuusan Gudoomiyaha G/Banaadir u fiirsan eedeynta uu wasaarada Waxbarashada u soo jeediyay.

Wasiirka waxaa uu xusay inay jirto baahi dib u howlgalinta Iskuulada cidii arintaasi fulinaysana ay diyaar u yihiin balse aaney waxba ka jirin eedeynta kaga timid dhanka tarsan.

"Ma jirto waa beenineynaa warka Tarsan ka soo baxay ee ah inaan kireynay guryo dana guud in lagu qabto looga saaray dadkii deganaa"ayuu yiri Wasiira Waxbarashada

Wasiirka waxa uu Maamulka gobolka Banaadir uu eedeeyay inay ka gaabiyeen inay gacan ka gaystaan dib u howgalinta goobaha waxbarasho ee dadka laga saaray, islamarkaana Maamulka G/Banaadir uu qeyb ku leeyahay dayacaada goobaha waxbarasho.

Warka wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Axmed Ceydiid Ibraahim ayaa imaanaya xili dhawaan Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu sheegay in uusan aqbalayn in Wasaaradda waxbarashada ay kirayso guryaha danta guud ee loogu tala galay in wax lagu baro ardeda Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)