Somali News
    Hees  

Qarax xalay ay ka dhacay baar lagu caweeyo oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Mogadishu Arbaco 16May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qarax xalay ay ka dhacay baar lagu caweeyo oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qarax xalay ka dhacay Xarunta lagu caweeyo The Bella Vista ee Magaalo xeebeedka Mombasa, iyadoo warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha nafeed ee ka dhashay qarax aas.

Wararka laga helayo goobaha caafimaadka ayaa sheegaya in qaraxaani ay ku dhimatay askariyad ka tirsaneyn askartii boliiska aheyd ee ilaalada ka haysay halka lagu caweeyo halka 5 kale ay dhaawacyo ka soo gaareen.
Isbitaal ku yaal Mombasa ayaa laga soo sheegayaa in la dhigey dadka dhaawacyada qaba halkaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Sarkaal Kenyaati ah ayaa laga soo xigtay in kooxaha weerarka ku qaaday meesha lagu caweeyo ay markii hore doonayeen inay galaan goobta balse markii ay ku adkaatay ay go'aansadeen inay darbiga ka tuuraan Bambooynka kuwaasoo khasaaraha ugu badan gaystay.

Boliiska ayaa qaraxa kadib howlgal degdeg ah ka sameeyay halka wax ka dhaceen oo ay kenyaati iyo shisheeye kalana isugu yimaadaan si ay ugu caweeyaan, mana kala hadii ay dad Soomaali ah qabqabteen iyo inkale.

Qaraxyada inta badan kenya ka dhaca waxa mas'uuliyadeeda sheegta Al-shabaab sidoo kale saraakiisha Kenyaatiga ayaa iyaguna shabaabka intuusan hadlin qaraxyada ku eedeeya inay alshabaab ka danbeeyan walow ay dhacdo mararka qaar weeraro ay gaystaan dad aan wax xiriir ah la laheyn Ashabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)