|
Madaxweyne Shariif: "Waxaa Calamka looga baahan yahay inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya..."
Mogadishu Arbaco 16May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Shariif: "Waxaa Calamka looga baahan yahay inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya..."
Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qodobadii looga hadlay shir uu kaga qeyb galay magaalada New York ee dalkaasi Maraykanka kaddib shirjaraa'id uu ku qabtay magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa kaga hadlay shirkiisa Jaraa'id xaaladda Dalka ka jirta iyo dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in wax laga qabto gaar ahaan dhinacyada ammaanka,Siyaasadda, dib u heshiisiinta iyo guud ahaanba hirgelinta marxalada kala guurka ee Road-Mapka.
Wuxuu sheegay Madaxweyne Shariif in dhanka ammaanka dowladiisa ay ka gaartay horumar weyn oo ku aadan sugidda amniga Muqdisho iyo gobaladda qaar ee dalka Soomaaliya, islamarkaana inta badan gobolada dalka Soomaaliya ay gacanta ku hayso Dowladda Soomaliya.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa uu ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iney dhiirageliyaan qabsoomida Shirweyne Qaran oo lagu adkeynayo Midnimadda Soomaaliya taasi oo ah lagama maarmaan si ay nabad buuxda u gaaraan dhammaanba Ummadda Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Maraynkanka kaga qeybgalay shir looga hadlayay arrimo badan oo Soomaaliya qeyb ay ka tahay , isaga oo Madaxweyne Shariif la kulmay madax kale oo ka tirsan caalamka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|