|
Mareykanka oo Qaxooti ay Soomaali ka mid yihiin dibu dejin u smaeeyay
Mogadishu Arbaco 16May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mareykanka oo Qaxooti ay Soomaali ka mid yihiin dibu dejin u smaeeyay.
Dowladda Mareykanka ayaa maanta dibu dejin u sameysay qaxooti badan oo afrikaan ah oo ay ku jiraan kuwa Soomaal ah.
Wargeyska Times of Malta ee ka soo baxa jaziirada Malta ayaa maanta oo arbaco ah warbixin uu qoray waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay saaka dib u dajin sameesay 27-qoxooti African ah oo ay ku jiraan Soomaali.
Wasiirka arrimaha gudaha Jaziirada Malta iyo Danjiraha Mareykanka u fadhiya dalkaas ayaa xaqiijiyay in dadkaas maanta diyaarad ay ka qaaday dalka Malta kuwaas oo dib u dajin loogu sameenaayo dalka Mareykanka.
Mareykanka waxa ay dib u dajin u sameeyeen 900 oo qof kuwaas oo tagay Jaziirada Malta tan 2007.
Malta waxa ay ka mid tahay dalalka ay sii maraan qoxootiga African-ka ee doonaya in ay galaan dalalka Yurub, waxaana sanadkii hore Malta gaaray tobanaan kun oo qof oo ku sugnaa dalka ku yaala waqooyiga Africa ee Libya, kaddib markii ay ka dhaceyn kacdoono looga soo horjeedo hoggaamiyihii hore Al-Qaacida Korneel Qadaafi.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|