|
Askari ka tirsan ciidamada DKMG oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha iyo
Iska-horimaad ka dhacay Degmada Wardhiigley
Mogadishu Arbaco 16May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Askari ka tirsan ciidamada DKMG oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha iyo
Iska-horimaad ka dhacay Degmada Wardhiigley
Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa barqonimadii
maanta lagu toogtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha iyadoo sidoo kale
uu iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah uu ka dhacay
maanta degmada Wardhiigley.
Kooxaha hubeysan ee geystay dilka askariga ka tirsan ciidamada
dowladda ayaa la sheegay inay horay u qaateen qorigii uu askarigu
watay ayna goobta ka baxsadeen iyadoo tani ay noqonayso markii ugu
horreysay oo askari lagu dilo bakaaraha tan iyo markii ay ciidamada
dowladdu qabsadeen suuqaas sannadkii hore.
"Dilka askariga kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidammo ka tirsan kuwa
DKMG ah oo baaritaanno sameeyay, waxayna kaxeysteen dad badan oo ay ku
jiraan arday iskuulley," ayuu yiri ganacsade ku sugan suuqa.
Ganacsadaha ayaa sheegay in dilksa askariga uu saameyn xoog leh ku
yeeshay ganacsigoodii inta badan dukaannadana la xirxiray, iyadoo
ciidammo badan ay ku sugan yihiin gudaha suuqa.
Dhanka kale, ciidammo kawada tirsan dowladda KMG ah ayaa ku dagaalamay
degmada Wardhiigley, waxaana la sheegay in laba askari ay ku
dhaawacmeen dagaalka, kaasoo saameyn ku yeeshay dadka ku nool
agagaarka saldhigga degmada Wardhiigley oo uu dagaalku ka dhacay.
Iska-horimaadka ayaa la sheegay inuu ka dhashay qori uu askari booliis
ah kasoo qaaday xalay askari kale oo ka tirsan ciidamada nabadsugidda
dowladda, waxaana dagaalka uu u dhexeeyay ciidamada booliiska iyo kuwa
nabadsgudidda.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|