|
Augustine Mahiga oo Beesha Caalamka ka codsaday in dhaqaale lagu
bixiyo Meel-marinta heshiiska Qariidadda Nabadda
Mogadishu Arbaco 16May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Augustine Mahiga oo Beesha Caalamka ka codsaday in dhaqaale lagu
bixiyo Meel-marinta heshiiska Qariidadda Nabadda
Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimahaSoomaaliya, Augustine Mahiga ayaa ka dalbaday beesha calaamka in la
bixiyo tageero dhaqaale oo suuro-gelin kara dhameystirka nidaamka
qariidadda nabadda ee looga baxayo xilliga KMG ah ka hor bisha
Ogoosto.
Danjire Mahiga ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan caqabado ka
horimaanaya meel-marinta dhameystirka xilliga KMG ah ee Soomaaliya,
isagoo sheegay in waqti yari iyo kharash la'aan ay caqabad ku noqon
karaan dhameystirka Roadmap-ka.
"Waxaa jira dad doonaya inay caqabad ku noqdaan Roadmap-ka iyagoo
wadiiqooyin kala duwan isticmaalaya si ay uga hortagaan guulihii laga
gaaray heshiiskaas," ayuu yiri Mahiga, isagoo sheegay in loo baahan
yahay in canaasiirtaas wax laga qabto ka hor inta aysan yareysan
howsha lagu dhameystirayo xilliga KMG ah.
Madaxweynaha Soomalaiya Sheekh Shariif oo goobjoog ka ahaa shirkii
looga hadlay arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay xarunta golaha ammaanka
ayaa yiri: "Waxaan shaki ku jirin dareenka bulshada calaamka ee ku
aaddan Soomaaliya inuu aad u fiican yahay ayna ka go'an tahay in la
dhiso hay'adaha dowladda maamulkana la gaarsiiyo dalka oo dhan."
Dhanka kale, bayaan kasoo baxay shirka golaha ammaanka ayaa lagu soo
dhaweeyay horumarka ay DKMG ah ka sameysay meel marinta qariidadda
nabadda, waxayna muujiyeen sida ay uga go'an-tahay inay taageerayaan
nidaamkaas.
Golaha ayaa wuxuu dowladda iyo dhinacyadii saxiisay heshiiska
Roadmap-ka laga dalbaday inay laba-laabaan dadaalkooda lagu
dhamkeysitrrayo heshiskaas, lagana qayb-geliyo dumarka iyo bulshada
rayidka ah.
Ugu dambeyn, golaha ammaanka ayaa waxay walaac xooggan ka muujiyeen
doorka ay yeelan karaan dadka kooxaha horjeeda meel-marinta heshiiska
qariidadda nabadda ee looga baxayo xilliga KMG ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|