|
Shabaab miino kula qaraxday Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud
Mogadishu Khamiis 17 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shabaab miino kula qaraxday Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in degmada
Ceelbuur ay miino kula qarxaday Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo
halkaasi doonaysay in miinooyin aasaan, saraakiisha Ahlu Sunna
Waljamaaca ee degmada Ceelbuur ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan
Xarakada Al Shabaab ay miino kula qaraxday degmadaasi.
Taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ayaa sheegay in gaari ay wateen
Saraakiil iyo ciidamo ka mid ah Al-Shabaab ay miino kula qaraxday
halkaasi.
Wuxuu kaloo sheegay Cabdi Xasan Cumar Biyo Quute in qaraxaasi ay
Al-Shabaab iyagu isku dhigeen ayna ku dhinteen 4 ruux halka 1 ruux oo
kalana uu sheegay in uu ku dhaawacmay kuwaasi oo uu sheegay in ay ka
tirsanaayeen dhamaantood Al Shabaab.
Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay inay dajiyeen qorshe ku aadan
deegaanada ay baneeyeen Al-Shabaab ee hoos taga degmada Ceelbuur,
kuwaasi oo uu sheegay inay adkeynayaan amaankooda ciidamada Ahlu
Sunanna ay ku fulin yihiin.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|